Ugu yaraan labo ruux ayaa geeriyootay in ka badan 141-ruuxna dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray qaraxyo waa weyn oo xalay gilgilay mid ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee dalka Mareykanka, gaar ahaan magaalada Boston gobolka Massachuties, halkaas oo ay ka dhaceen labo qarax oo ka dhacay mid ka mid ah garoomada kubadda lagu ciyaaro oo ku yaala magaaladaasi.
Booliska magaalada Boston gobolka Massachuties ee dalka maraykanka oo ka hadlay qaraxyada ayaa xaqiijiyey dhimashada laba qof iyo dhaawaca dad ka badan 141-ruux oo kale ka dib markii laba qarax oo is xigxigay ay qabsadeen dad badan oo ka qayb-qaadanayey orodka dheer ee Boston Marathon iyo kuwii u soo daawashada tegay, ddka dhaawacmey ayaa wararku shegayaan in 20 ka mid ah xaaladoodu tahay mid aad u liidata, labada qof ee ku dhintey mid kamid ah ayaa la sheegey inuu ahaa wiil 8 sano jir ah.
Qaraxu markii uu dhacay ayaa xaaladdu noqotay mid faraha ka baxda dadkii ordayeyna ay argagaxay, qaarkoodna dhulka isku tureen, waxaana la sheegay in qaraxa hore iyo kan dambe ay u dhaxeysay wax yar oo daqiiqado ah, kuwaas oo geystay khasaare badan.
Qaraxa hore ayaa dhacay markii orodyahanu soo gaareen halkii orodku ku dhammaan lahaa, ka dib markii ay soo ordeen muddo gaareysa 4-saac, qaraxa labaad ayaa kacay ilbiriqsiyo ka dib, dadka ayaa argagax ku yimid, waxaana halkaas ka dhashey dhaawac badan iyada oo dadka dhaawacmey uu ka mid yahay qof Boolis ah.
Weerarka lagu qaaday magaalada Boston Marathon ayaa imaanaya iyadoo ay shalay Boston u aheyd maalin ciid ah isla markaana ay tahay Maalintii Waddaniyadda ee Boston Boston Patriot Day, mid ka mid ah dadkii ka qeybqaadanayey orodka Maratoonka ayaa u sheegay wakaaladda Reuters inuu gadaal u eegay markii uu gaarey bartii yoolka aheyd ee orodku ku ekaa, waxaana arkay ayuu yiri qarax aad u weyn iyo qof kor isu qabsaday qiyaastii 15-mitir oo dhanka cirka ah, qaraxa ayaa ka dhacay meel ka baxsan wadada lagu ordayey kana soo horjeeda halkii ay fadhiyeen dadka u soo daawashada tegay ciyaarta, waxaa kale oo la akayey dad badan oo taagan goobta qaraxu ka dhacay ee calamada dalalka ka qaybqaadanaya orodku ay surnaayeen.
Sidoo kale mid ka mid ah tartamayaasha oo wareysi siinayey wakaalada wararka ee AP ayaa isna sheegay in indhihiisu ay qabanayeen dad badan oo bilqan dhulka, kuwaas oo u muuqday inuu waxyeelo gaarsiiyay qaraxa, waxaana qaraxyadaasi ka hadlay Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama oo sheegay inaysan weli garaneyn cidda ka dambeysey weerarkaas iyo sababta ay u sameeyeen, laakiin ma gefeyno kuwaas waan soo qabanynaa, waana ogaaneynaa sababta ay u sameeyeen, caddaalada ayaana geynaynaa yuu yiri.
Obama ayaan isticmaalin erayga Argagagixiso, maadaama aysan caddeyn weli jiho qaraxyadaani ay ka yimaadeen iyo sababta dhalisey, halka FBI Maraykanka ayasan iyana weli ka hadlin, waxayna sheegeen inay fiirsanayaan in qaraxyadaani ahaayeen kuwo argagixiso iyo in kale, sidoo kale waxaysan weli caddeyn inay tahay mid gudaha Maraykanka laga abaabuley iyo in dibadda looga soo maleegay.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.