Jaaliyada Somali Bantu/jareer weyne ee ku dhaqan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa ayaa sheegtay in ay si weyn u dhaliilsan yihiin shirka ka socda magaalada Kismaayo

xeydar April 15, 2013 Comments Off
Jaaliyada Somali Bantu/jareer weyne ee ku dhaqan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa ayaa sheegtay in ay si weyn u dhaliilsan yihiin shirka ka socda magaalada Kismaayo

Jaaliyada Somali Bantu/jareer weyne ee ku dhaqan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa ayaa sheegtay in ay si weyn u dhaliilsan yihiin shirka ka socda magaalada Kismaayo kaasi oo lagu doonayo in lagu sameeyo maamul ay yeeshaan gobolada jubooyinka iyo Gedo.

Wiil uu dhalay fanaanka caanka ah ee Faarax Siidow Faarax oo ah gudoomiye jaaliyada Soomaali Bantu oo ka hadlayey xaflad lagu taageerayey maamul u sameynta jubooyinka ayaa sheegay isagoo ku hadlaya magaca beesha jareer weyne meel kasta oo ay joogaan in iyaga aysan raali ka ahayn maamulkaasi isla markaana Beesha jareer weyne ay tahay dadka xaqa u leh goboladasi isla markaana asalkooda loogu yimid isagoo soo xigtay taariikhda gobolada jubooyinka.


Maxamed Faarax Siidow oo ku magac dheer Arbow ayaa si degan ula hadlay dadkii kasoo qeyb galay xafladasi isagoo warka intaasi ku daray in dalka uu leeyahay dowlad aduunka laga aqoonsan yahay isla markaana ay tahay in maamul kasta oo loo samaynayo gobolada Soomaaliya ay maamul u samayntooda ay dowlada xaq u leedahay isla markaana dowlada ay tahay in lagu taageero hanaan socodka iyo maamul usameyn kusalaysan cadaalad kuwajahan goboladda dalka.
sidoo kale waxuu codsi u diray Dowlada Soomaaliya isagoo ka codsaday in dowlada ay si cadaalad ah ay u dhisto maamulada gobolada dalka wuxuuna baaq dheer u diray Aqoon yahanada, Xildhibaanada, salaadiinta iyo waxgaradka beesha jareer weyne in ay arintani si weyn uga hadlaan hadii kale ay arintani ay sababi karto in boobka loogeysanayo dulka dadyowga jareer weyne ay noqondoonto mid ah sharciyeystaan qowmiyadahan kusoo duulay waana isku daygii ugu danbeysay ee beesha jareerweyne lagu aasayo jiritaankooda.
Shirka ka socda magaalada Kismaayo ayaa dadka badinkii ah kuwo ku kala fikrad duwan iyadoo beelaha qaar ay masuugsan yihiin habka loo maamulayo shirka.

Wariye Abdi Xasan Daahir.
Email: s_bantu@live.co.za
cape town -South Africa.
Halkaan ka Daawo warbixintan oo Muuqaal ah

http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=8FVfhBBpg4A

Comments are closed.