Madaxweynaha Soomaaliya oo markii ugu horreysay ku dhawaaqay Dagaal Weji cusub ah

xeydar April 15, 2013 Comments Off
Madaxweynaha Soomaaliya oo markii ugu horreysay ku dhawaaqay Dagaal Weji cusub ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay dagaal weji cusub leh oo ay dowladdu la galeyso Kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay kulan xalay ka dhacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayna goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ra’isul wasaaraha Xukuumadda, Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Arrimaha Gudaha iyo sidoo kale Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida.
Waxa uu madaxweynuhu sheegay in dhacdadii shalay ka dhacday dhismaha xarunta Maxkamadaha ee magaalada Muqdisho waxaana uu Madaxweynuhu uga tacsiyadeeyay ummadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo ehellada dadkii ku geeriyooday ficilka cadowga.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in waxa ay ku kaceen Al-Shabaab ay yihiin kuwo ka fog Diinta Islamaaka iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed taasina adduunka lagala mid yahay, hasa yeeshee cidda cadowga uu ugaarsanayo ay yihiin shacbiga Soomaaliyeed oo aanay aheyn mas’uuliyiinta iyo Ciidammada dowladda.
Waxa uu sheegay in kooxda Al-shabaab aysan awood u lahayn ka dagaallanka safafka hore hase yeeshee dowladda Soomaaliya ay dadajinayso hirgelinta dagaal weji cusub leh kaasoo lagu burburinayo haraadiga argigixisada Al-Shabaab.
“Dowladda Soomaaliya waxa ay bilaabeysaa dagaal noociisu uu cusub yahay oo ka dhan ah jiritaanka Al-shabaab, Taatikooyinkooda waa ay baddelleen, taallabada la qaadayana waxa ay noqon doontaa mid loo dhan yahay, Dowlad iyo Shacab” ayuu hadalkiisu ku soo gabagabeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku booriyey shacbiga Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeesteen cadawgooda isla markaana ay dowladda ku gacan siiyaan sidii dagaalkan wejiga cusub leh loogu soo afjari lahaa jirintaanka haraadiga argigixisada.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.