Fannaanka Soomaaliyeed ee Farxaan Muuse Cige (Farxaan Xidig) oo dhawaan loo magacaabay xildhibaan isagoo beddelay kursigii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Maxamud Ismaaciil Barkhadleh oo ahaa xildhibaan ahaana wasiir ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa waxaa hambalyo u diray xubnaha ay ka midka yihiin:
Xoghayaha koowaad ee safaarada Soomaalida Uganda Mr. Khadar, Xuseen Ibraahim Nuur, Cabdullaahi C/qani Ibraahim, Xasan Maxamed Miisaan, Fatxi Cabdullaahi, C/raxmaan Dalmar, C/wahaab Maxamed Warsame (Qanciye).
Magacaabista Farxaan Muuse Cige (Farxaan Xidig) ayaa waxaa soo dhaweeyay wasiirro, xildhibaanno, Duqa magaalada Muqdisho, mas’uuliyin ka tirsan ururada aan dowliga ahayn, Culamaa’udiin, Siyaasiyiin iyo ganacsato.
Fanaankan Somaliyeed ee Farxaan Xidig ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda xilkaasi loo dhaariyo isla markaasna uu ka qayb qaato isbadalada sida xawliga ah uga socda Soomaaliya.
Farxaan Xiddig ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa Soomaaliya, horena uga hawlanaa horumarinta caqliga iyo maaweelada dadweynaha.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.