Saraakiil ka tirsan sirdoonka dowlada Soomaliya iyo dalka Canada ayaa u sheegay wargeyska The Star in Baaritaan siwadajir ah ay u sameeyeen ay ku ogaadeen in Mahad Cali Dhoore uu kamid ahaa sagaal shabaab ah oo isku qarxiyay xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir.
Qoyska Dhoore ayaa wax hadal ah ka soo saarin,iyadoo cadeemo Muujinaya aan loo hayn in Dhoore uu qeyb ka ahaa weerakii shalay Muqdisho ka dhacay,saraakiisha dowlada ayaa wali raadinaya cadeemo muujinaya in wiilka Canadiyaanka uu ku lug lahaa weerarka.
Weerarkaan ayaa lagu tilmaamay kii ugu qatarta badnaa ee Muqdisho ka dhaca,markii Muqdisho laga saaray Al-Shabaab bishii Augost 2011.
Mid kamid ah adeerka Mahad Cali Dhore oo la hadlay The Star ayaa u sheegay in 25-sano jirkan uu ka tagay dalka Canada,isagoo doonaya inuu booqdo Ayeeydiis oo ku nool Magaalada Nairobi ee dalka Kenya,markaasi ayaana ugu war danbeysay qoyskiisa,sida adeerkii uu ku waramay.
Mahad Cali Dhore oo sida saraakiil Soomaaliya iyo Canidayan laga soo xigtay tilmaamayaan inuu yahay mid kamid sagaal ruux oo isku qarxiyay Muqdisho ayaa wax ka baranayay Jaamacad lagu Magacaabo York University,wuxuuna baranayay Maadada Xisaabaadka iyo Taariikhda.
Marka laga soo tago warkan uu qoray wargeyska The Star,majirta cid sheegi karta dhalashada ragii shalay isku qarxiyay ,iyadoo Al-shabaab kaliya sheegteen Weerarka balse aysan soo bandhigin dhalashada kooxaha weerarka fuliyay.
Afhayeenka guud ee Al-shabaab Cali Dheere oo shirjiraa’id qabtay weerarka kadib ayaa xaqiijiyay in weerarka uu ahaa Mid qorsheysan,islamarkaana iyaga ay ka danbeeyaan.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.