Agaasime Aweys Sheekh Hadad iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminaayo oo maanta u ambabaxay dalka Kenya

xeydar April 14, 2013 Comments Off
Agaasime Aweys Sheekh Hadad iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminaayo oo maanta u ambabaxay dalka Kenya

wafdi uu hogaaminayay Agaasimaha guud ee wasaarada horumarinta Adeega Bulshada agaasinka shaqada iyo shaqaalaha mudane Aweys Sheekh Hadad ayaa u dhoofay magaalada Nairobi ee dalka kenya.

 

Agaasinka Shaqada, Dhallinyarada iyo Isboortiga mudane Xadad ayaa warbaahinta u sheegay in uu socdaalkiisu ku wajahanyahay ka qeyb galka Workshop looga hadlayo Arrimaha xuquuqda shaqaalaha Rayidka, iyadoo halkaasi lagu soo bandhigi doono sharci kala haga  shaqaalaha iyo  loo shaqeeyaha Soomaaliyeed iyo Ajnabiyiinta dalka ku sugan.

 

 
Tababarkan (Workshop-ka) ayaa soo qaban qaabiyay ururka shaqaalaha Mareykanka ee loo yaqaano (Solidarity Center) iyo Agaasinka Shaqada ee wasaarada horumarinta Adeega Bulshada, Mr. Xadad ayaa  sheegay inay ka wada hadlayaan arrimaha Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo sharciyada  ku soo kordhay xuquuqda shaqaalaha Caalamka.

 
Socdaalka Agaasimaha ayaa la sheegayaa inuu la xariiro sidii ay (Solidarity Center) uu ugala hadli lahaa taageerida shaqaalaha Dowladda, gaar ahaan dhinacyada horumarinta Shaqaalaha, amniga, dhismaha xarumaha shaqalaha Dowladda iyo arrimo kale.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.