Xildhibaan Dhalxa”Shirka Paris waxaa ka soo baxay qodobo wax tar u leh Soomaaliya”

xeydar April 14, 2013 Comments Off
Xildhibaan Dhalxa”Shirka Paris waxaa ka soo baxay qodobo wax tar u leh Soomaaliya”

Magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa lagu soo gabagabeeyay shir looga hadlaayay wadamada qalalaasaha ay ka jiraan ee qaarada Africa kuwaas oo ay Soomaaliya ka mid tahay iyadoo qodobo lagu horumarinayo Africa shirkaasi laga soo saaray,
Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ah wafdiga Soomaaliya uga qeybgalay shirkaasi ayaa Radio Muqdisho u sheegay in shirkaasi shalay lagu soo gebagebeeyay magaalada Paris, isagoo sheegay in shirkaasi looga hadlayay dhibaatooyinka ka jira wadamada Africa iyo sidii wax looga qaban lahaa.
Sidoo kale Xildhibaan Dhalxa ayaa intaa ku daray in shirka si gaar ah looga hadlay Mushkiladaha ka jira Soomaaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa, wuxuuna xusay in la isku raacay in dowlada Soomaaliya laga taageero dhinacyada Amaanka Siyaasada, Caafimaada iyo arimaha bani’aadanimada.
Xildhibaan Dhalxa oo hadalkiisa sii wata ayaa inta raaciyay in shirkaasi ay ka soo baxeen qodobo waxtar u leh ummadda Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka mid yihiin in taageero hiil iyo hooba ah lala garab istaago dowlada Soomaaliya.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.