Xubin ka tirsan Aqalka Congress-ka Maraykanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in dawladda Maraykaanku ka faa’iidaysato fursadda ka Jirta Soomaaliya ayna degdeg wax ula qabato dowladda Soomaaliya, Keith Ellison oo waraysi khaas ah siiyey idaacadda VOA ayaa ugu Baaqay xukuumadda Maraykaanka inay gacan ka gaysato sidii fursado Shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed si aysan ugu dhicin gacanta waxa uu ugu yeeray kooxaha xagjirka ah iyo inay iskaashi dhinaca baayac-mushtarka ah la sameyso Soomaalida.
Waraysiga uu siiyey idaacadda VOA ayuu sidoo kale kaga hadlay qorshe lagu mataaneeynayo magaalooyinka Muqdisho iyo Minneapolis iyo sharci-dejin uu ka shaqaynayo oo lagu khafiifinayo xayiraadaha bankiyada ee saaran ganacsiga xawaaladaha soomaalida oo markii kal hore la mamnuucay saameyn badan ku yeeshay dadka danyarta ee biilasha eheladoodu u soo marsiin jireen xawaaladaha.
Sidoo kale Mr. Keith Ellison waxa uu sheegay in dowladda Mareykanka looga baahanyahay inay ka faa’ideysato fursadda weyn ee xilligan uga banaan dowladda Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in la gaari doono iyadoo aan boos ka banaaneyn dowladda Soomaaliya, sidaasi awgeed Mareykanka ay waajib ku tahay inay xiriir ganacsi, mid militeri iyo mid diplumaasiyadeed ay la sameyso dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud, Mareykankuna ay haboontahay inu ka fikaro 30-ka sano ee soo socda hormarka ay tiigsan doonto Soomaaliya.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.