FC-SHANDI oo u jartay Gumeysidiid tikidkii bixitaanka, Iftiinka Caneykish oo si saxariir ah uga badiyay Xidigaha Midnimo 1 – 0, Xidigaha Baanow oo Banaanka usoo baxay.
Cayaaro kawada tirsan tartanka Marxuum SULEYMAAN COLAAD ROOBLE ayaa maalintii Jimcihii ka dhacay garoonka Altaraji ee xaafada Sharafiyah, iyadoo ay halkaasi isku wada arkeen kooxaha FC-SHANDI Vs. GUMEYSIDIID, IFTIINKA CANEYKISH Vs. MIDNIMO, iyo IFTIN STARS Vs. BAANOW STARS.
Cayaar ay siday doonaan u xukumayeen ayey dhalintii SHANDI ugu awood sheegteen barbaartii Gumeysidiid 4 gool iyo waxba, iyadoo ay iska lumiyeen goolal intaa kabadan hadana tan waxay ahayd mid kooxda Gumeysidiid u noqotay darsi lama ilaabaan ah, iyadoo ka hartay tartanka Koobka Suleymaan Colaad Rooble ayay hadana noqotay kooxda ugu liidata kooxaha kasoo qeyb galay tartanka iyadoo ay ahayd koox lagu gool badsado oo keliya.
Gelinkii hore ee ciyaarta waxay xiddigaha FC-SHANDI iska lumiyeen goolal fara badan oo ku dhawaa nus dersan, taasi oo sabab u ahayd degdega ciyaartoyda Shandi oo ahaa mid xad dhaaf ah, haseyeeshe waxay kusoo gabagabeeyeen gelinkii hore ee ciyaarta 2 gool iyo Waxba.
Gelinkii dambe ee ciyaarta ayay hadana daqiiqadihii ugu horeeyay laba gool oo darandoori ah ka dhaliyeen, kadibna tababaraha Kooxda Fc-Shandi wuxuu sameeyey Bedel ciyaartoy yar yar oo uu fursad u siinayay inay garoomada markii ugu horeysay soo galaan, waxayna ahaayeen kuwo siday doonaan isaga mushaaxa garoonka, waxayna ciyaarta kusoo gabagabowday 4 – 0 oo ay FC-SHANDI ku iclaamisay usoo bixitaankeeda wareega Labaad ee tartanka iyo iyadoo qarka si weyn uga tuurtay kooxda GUMEYSIDIID oo runtii u baahan maamul adag iyo tababar xoogan.
Cayaartii labaad ayaa waxay dhexmartay kooxaha IFTIINKA CANEYKISH iyo MIDNIMO, cayaartan oo ahayd mid horey u baaqatay, ayaa waxay labada kooxood isu birtumanayeen in mudo ah, iyadoo ay labadan kooxood yihiin kooxaha miisaanka ku leh tartanka hadana waxaa u dhaxeeya loolan gaar ah.
Kooxda Iftiinka Caneykish ayaa si saxariir ah uga badisay kooxda Midnimo oo nasiibka diiday maalintii shalay, waxaana 1 – 0 ay guusha ku raacday kooxda Iftiinka Caneykish.
Cayaartii saddexaad ayaa iyana dhexmartay kooxaha Baanow Stars iyo Iftin Stars, iyadoo ay labada kooxood ciyaartan u ahayd “BE or NOT to BE”, ama cidii laga badiyo ay baska dambe soo raaceyso, ayaa waxaa nasiib u yeeshay kooxda IFTIN STARS “Iftiinka Gacameey” oo Gool iyo Waxba kaga badisay kooxda BAANOW, oo runtii halkaasi kusoo bandhigtay farsamo iyo xeelado cusub oo aan looga baran ciyaartoydooda, haseyeeshee ninba waa maalintiis, oo waxay ahayd maalintii ay guuldareysteen.
Waxaa diyaariyay:
Maxamuud Sheekh Cabdulqaadir “diyeeshe”
diyeeshe@hotmail.com
Comments are closed.