Magacyada hogaanka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacawday gobolka Hiiraan iyo…

xeydar April 10, 2013 Comments Off
Magacyada hogaanka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacawday gobolka Hiiraan iyo…

 

Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiye cusub loogu magacaabay gobolka Hiiraan, kaas oo noqonaya Cabdi Faarax Laqanyo, halka Guddoomiyaha degmada B/weyne loo magacaabay Cabdi Bashiir Aadan, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee degmada Beledweyne ayaa loo magacaabay Cabdullaahi Maxamed Cumar, Guddoomiye ku xigeenka labaad waxaa loo magacabay Bashiir Xuseen Dhoore iyo Guddoomiye ku xigeenka sedexaad oo isna loo magacaabay C/kariin Shire Cabdi, halka Xoghayaha degmada Beledweyne loo magacaabay Maxamed Macalin Xasan.
Wareegtada lagu magacaabayey maamulkan cusub ayaa shalay waxaa ka qeybgalay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya Jaamac maxamed Axmed {Jaamac oday}, wuxuuna ka aqriyey xafladda ay xilalka kula kala wareegeen Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo iyo Guddoomiyihii hore Cabdifitaax Xasan Afrax wareegtadii lagu magacaabay maamulka cusub taas oo ka dhacday gudaha magaalada Beledweyne, waxaana xafladda ka qeybgalay sidoo kale wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya, saraakiil ka tirsan AMISOM, maamulkii hore ee gobolka Hiiraan iyo qeybaha bulshadakuwaas oo dhamaantood soo dhaweeyey maamulka cusub kuna baaqay iany la shaqeeyaan dadka reer B/weyne .
Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo maamulka cusub ee loo magacaabay gobolka, isagoo sheegay inuu si farxad leh ku wareejiyay xilka.islamarkaasna sida uu yiri uu barayo dadka soomaaliyeed gaar ahaan reer B/weyne tanaasulka iyo in xukun yahay qori isku dhiib, isagoo xusay inuu isagu go,aansaday inuu xilka wareejiyo iyadoo aan cidina qasbin sida uu yiri.

Ibraahim Xabeeb Nuur oo horay u soo noqday wasiir iyo xildhibaan ka tirsanaa dowladihii ku-meel-gaarka ahaa oo ka hadllay munaasabada ayaa ku dhiiri-galliyay bulshada ku dhaqan gobollka Hiiraan in ay meel iska dhigaan khilaafka, kana wada shaqeeyaan nabad-galyada, isaga oo fariin gaar ah u dirray shacabka reer Hiiraan.
“Waxaan rabaa in aan mar kale halkan ka sheego is qab qabsi wax micno ah malaha, laakiin waxa micnaha sameynaya waxaan oran karnaa waa in aan ka wada shaqeyno sidii loo hormarin lahaa gobollka, qeybaha hadda ka maqan ee ku jira gacanta Al-shabaabna dib loogu soo cellin lahaa si loo gaaro ayuu yiri halka aan u socno oo ah in gobollka Hiiraan marka dambe labo loo qeybiyo, waayo waad og-tihiin qorshahaas waa uu socdaa, laakiin waxaa ka horeeya annaga oo midowna, xooggeenana isugu geyna sidii loo gaari lahaa qeybaha gobollka Hiiraan,’’ ayuu yiri Ibraahim Xabeeb Nuur.
Waxaa uu Ibraahim Xabeeb mar kale ka hor sheegay dadkii ka soo qeyb-gallay munaasabada in uu jiro qorshe hadda socda oo la doonayo in gobollka Hiiraan labo gobol loogu qeybiyo, loogana baahan yahay in ay taageeraan shacabka ku dhaqan gobollka, madaama sida uu yiri Hiiraan uu ka soo haray Sideedii gobol ee Soomaaliya markii hore ay ka koobneyd, waxaa sidoo kale ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadashay munaasabada wasiir ku-xigeenka wasaarrada maaliyada Abuukar Sheekh Cabdi, wasiir ku-xigeenka wasaarada gashaandhiga C/raxmaan Xirsi Kulmiye, iyo xildhibaan Max’ed Max’uud Goodir.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.