Hub dekadda magaalada Muqdisho laga soo dejiyey iyo faahfaahino ka soo baxaya

xeydar April 10, 2013 Comments Off
Hub dekadda magaalada Muqdisho laga soo dejiyey iyo faahfaahino ka soo baxaya

Sida ay shabakada Jiinwabi.net u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo dekedda weyn ee magalaada Muqdisho ayaa waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa laga dejiyay hubkii ugu horeeyay ee ay leedahay dowladda Soomaaliya, kaas oo ay ku jiraan gaadiid dagaal iyo agab kale oo ay isticmaalaan ciidamadu.

Hubkan oo la sheegaayo inuu yahay kii ay dowladda Jabuuti ugu deeqday dowladda Soomaaliya ayaa haddana waxaa la tilmaamayaa tiro ahaan inuu yahay illa 50 gaari oo isugu jira kuwa ciidamada qaada iyo kuwa gaashaaman ee dagaalada loo adeegsadao una badan nooca beebeeha loo yaqaano, kuwaas oo dhamantood ka mid ah gadiidkii ay dowladda Jabuuti ugu deeqday dowladda Soomaaliya.

Sida warku sheegayo dhammaan gaadiidkaasi laga soo dejiyay dekedda weyn ee magalaada Muqdisho ayaa ah kuwa militariga, waxaana la sheegay in markii markabka hubka waday uu yimid dhammaan shaqaalaha dekadda banaanka loo soo wada saaray ka dibna hubkaasi la dejiyay lagana saaray dekedda, kaas oo aan la ogeyn halka la geeyay iyo in lagu wareejiyey ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Hubkaasi oo ah sida la sheegay kii ugu horeeyay ee magaca dowladda Soomaaliya ku soo dega ayaa yimid iyadoo dhawaan qeyb ahaan laga qaaday dowladda Soomaaliya cunaqabateyntii hubka ee saarneyd, inkastoo loo diiday hubka waa weyn inay la soo degto dowladda Soomaaliya, waxaana la sheegayaa in dowlado kale ay qorsheynayaan inay hub siiyaan dowladda sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda maadaama aysan hadda heysan lacag ay hub ku soo iibsato.

Hubkan la sheegay inuu u yimid dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku soo aadaya iyadoo dowladda Mareykanku ay ku dhawaaqday inay Soomaaliya siineyso hub kaalmo ah oo aan iib aheyn kaas oo la sheegay inaan hadda la siineynin balse uu ka soo baaraandagayo in la siin karo hub xilligan soomaaliya iyo in kale xoghayaha arrimaha dibadda dalka mareykan.

Si kasta oo ay ahaataba dowladda Jabuuti ayaa dhawaan waxay hub iyo gaadiid dagaal oo casri ah ugu deeqday dowladda Soomaaliyeed, taas oo sidoo kale ugu deegday dowladda Soomaaliya taagag iyo agab kale, ka dib booqasho uu halkaasi ku tagay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdi uu hogaaminayo iyadoo dhinaca kale ay halkaasi heshiis aan weli la faahfaahin ay ku kala saxiixdeen wasiirada gaashaandhigga ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.