Shirka oo maanta ka furmaya Magaalada London Waxaa ka qeyb galaya Mas’iiliyiin ka kala socota wadamada Mareynkanka, Russia, Japan, Canada, France, Germany iyo Italy,waana wadamada la isku yiraahdo G8-ka.
Waxaa shirka oo qaadanaya Mudo Labo Maalin ah oo maanta ka bilaabaneyso looga hadli doonaa Xaaladaha adag ee iminka ka taagan wadamo Soomaaliya ay qeyb ka tahay.
Xukuumada London ayaa shirka Martigilineys,iyadoo uu ka qeyb galayo xoghayaha arimaha dibada dalka ingiriiska William Hague oo shir gudoon ka ah kulanka.
Xoghayaha arimaha dibada ingiriiska William Hague oo hadlay ayaa sheegay in kulanka ka furmaya London intiisa badan diirada lagu saari doono shan qodob oo xasaasi ah kana taagan wadamada qulqul tooyinka ay ka jiraan,isagoona soo hadal qaaday arimaha xadgudubyada ka taagan Soomaaliya iyo sidii looga hortagi lahaa.
“Dowlada UK,waxay hadal cad ka soo saari doontaa xadgudubyada lagula kaco dadka danyarta Soomaaliyeed gaar ahaan haweenka,shirkana waxaa ka soo bixi doona qodobo aan ku xadideyno”,ayuu yiri William Hague.
Wuxuu shaaciyay xoghayaha arimaha dibada in dowlada UK ay taageeri doonto talaabo wali oo looga hortagayo arinta xadgudubyada uu sheegay in haatan Soomaaliya ay ku horeyso.
Dhanka kale William Hague ayaa carabka ku dhiftay in shirka lagu wado in maanta oo arbaco ah ka furmo Magaalada London ee Cariga dalka ingiriiska,islamarkaana ay yeelanayaan wadamada la isku yiraahdo G8-ka in dhaqaalo lagu taageerayo xukuumada Soomaaliya lagu raadin doono shirka,iyadoo wadamada deeqda bixiya loogu qeylo dhaaminayo si Soomaaliya dhanka dhaqaalaha ka taageeraan.
Ugu danbeyntii xogahayaha arimaha dibada dalka ingiriiska William Hague ayaa shaaca ka qaaday in kulanka lagu raadinayo qaabka Soomaaliya loogu hirgilin karo amaan hagaagsan oo dadka hilinka toosan ku haga kana hortaga dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed kuwooda Liita.
Hayeeshee wadamada G8-ka ayaa dhanka kale waxay kulankooda kaga arinsanayaan xaaladaha ka taagan wadamada Siiriya,Mali Nigeriya,iyo wadamo kale oo badan.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.