Wararka ay caasimadda Online ka helayso degmada Qoryooley iyo deegaanada kale ee ku dhowdhow ee Gobolka Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in saakay illaa xalay ay degmadaasi isaga baxeen ciidamadii Xarakada Al-shabaab ee horay gacanta ugu hayey.
Sida warku sheegayo ciidamada Al-shabaab ee magaalada ka baxay ayaa waxay dareemeen ka culeys dhinaca ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda uga soo wajahnaa kuwaas oo u jiheystay dhinaca degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaaladaasi ayaa waxay sheegayaan in xaaladda degmadu ay hadda kacsantahay, dadka deegaankuna ay muujinayaan cabsi xoogan ka dib markii ciidamadii Al-shabaab ka baxeen magaalada, isla markaasna aysan weli gaarin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.