Dhiiga oo laiska cabiro ayaa ah siyaabaha lagu ogaan karo cudurka Dhiig Karka.
Magaalada Muqdisho maanta waxaa lagu xusay maalinta caafiimaadka adduunka, waxaa soo qaban qaabisay munsaasabadda wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada, waxaana ka hadlay wasiiro, xildhibaano iyo dhaqaatiir.
Adeega caafimaadka Soomaaliya ayaa burburay markii ay dowladda dhacday labaatan iyo saddex sano ka hor. Waxaa aad ugu yar dhaqaatiirta iyo isbitaalada ay dadka u baahan yihiin, si ay isaga daaweeyaan cudurada halista ah iyo kuwa laga hortagi karo.
Dhaqaatiirta ayaa maanta dadka kula taliyay inay dhiiga iska cabiraan, si ay uga hortagaan cudurka Dhiig Karka ee ku badan waddanka oo dhimasho badan keena
Wariyaha Jiinwabi.net Cumar C/rashiid, ayaa Dr Axmed Cali Sawiib oo ka mid ahaa dhaqaatiirta xafladda ka hadashay waxaa uu ka wareystay, cudurka Dhiig Karka oo sanadkan qatarta caafimaad ee bulshooyinka ku haya halkudhig looga dhigay.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.