Xasan Maxamad Cali oo kamid ah dadka dagan Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe kana mid ah dadka uu saameyay fatahaada uu sameeyay wabiga shabeele oo lahadlay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in roobabkii dhawaan ka da,ay Gobolka ay sababeen in wabigu uu buuxdhaafo kadibna uu fataho isagoona intaa raaciyay in dadkii daganaa meesha ay iskaga barakaceen qaarna ay geedaha dushooda saaran yihiin halka kuwo kalena wali ay kudhaxjiraan biyaha.
Wuxuu sheegay in dadka ay haysato dhibaato kala duwan oo ku aadan xaaladaha iminka ay cagaha la galeen oo nolosha ay ku adag tahay.
Dhanka kale waxa uu baaq udiray Hay,adaha samafalka iyo cidkasta oo wax uqaban karta dadkaasi in kaaalmo bini’aadanimo ay lasoo gaaraan siduu
Wabiga Shabeele fatahaada caynkaan oo kale ah,markii uu sameeyo ayaa waxaa dhibaato ay kasoo gaartaa dadka shacabka ah ee ka agdhaw deeganada uu wabiga fatahaado ka sameeyo.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.