Xiisad culus oo ka taagan magaalada Kismaayo iyo ciidamo horleh oo halkaasi gaaray si ay….

xeydar April 7, 2013 Comments Off
Xiisad culus oo ka taagan magaalada Kismaayo iyo ciidamo horleh oo halkaasi gaaray si ay….

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in in shalay galab ay magaaladaasi gaareen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka soo kicitimay degmada Ceel Waaq ee gobolka Gedo, ciidamadan ayaa waxay isla shalay galab gudaha u soo galeen magaalada Kismaayo waxayna fariisin ka sameeysteen xarunta warshada hilibka ee magaalada Kismaayo., waxaana la sheegay in ciidamadaasi ay xiisad colaadeed ka abuureen gudaha Kismaayo, waxaana la sheegay in kala shaki uu soo kala dhexgalay iyaga iyo ciidamada ururka Raaskambooni.
Ciidamadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay halkaasi u tageen sidii ay ugu biiri lahaayeen kuwa dowladda ee halkaasi horay uga sugnaa, waxaana la sheegay in ciidamadaasi gaaray magaalada Kismaayo ay hadda fariisin ka dhigteen garoonka diyaaradaha ee magaalada oo ay horay fariisin uga aheyd ciidamo horay uga tagay gobolka Gedo, kana tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Taliya ka tirsan ciidanka dowladda ee Kismaayo oo ka hadlay ciidamadan cusub ee u tagay Kismaayo sidii ay ugu biiri lahaayeen kuwa dowladda ee halkaasi jooga ayaa sheegay inaysan colaad abuurid u imaan, balse ujeedada ay Kismaayo u tageen ayuu ku sheegay sidii ay ammaanka magaaladaasi wax uga sugi-lahaayeen, inkastoo uu jiro kala shakiyo u dhaxeeya ciidamada ururka Raaskambooni iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ku wada sugan magaalada Kismaayo.
Si kasta oo ay ahaataba faahfaahino dhab ah lagama hayo ujeedada rasmiga ah ee ay ciidamada dowladda ee ka tagay Gedo u tageen magaalada Kismaayo, waxaana la sheegayaa in maamulka KMG ah ee Kismaayo iyo saraakiisha ciidamada Kenya ee gacanta ku haya magaalada Kismaayo oo arrinkaasi ka hadlay ayaa walaac ka muujiyey ciidamadaasi tagay Gedo, lamana oga inta ay la egyihiin ciidamada la sheegay inay Kismaayo tageen iyo saraakiisha hogaamineysa midna, waxayse wararku sheegayaan in daba socdaan ciidamo horey u tagay Kismaayo muran xoogani uu ka dhashay inkastoo markii dambe la dhameeyey murankaasi.

 
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.