Wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa shir uu shalay ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu ku soo bandhigay qorshe ay wasaaraddu ku howlaneyd diyaarintiisa muddooyinkii aynu ka soo gudubnay, iyadoo qorshahaasina uu la xiriiray dib u habeynta, maareynta dhaqaalaha dalka.
Qorshahan ay wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta ay soo diyaarisay ayaa ah mid quseeya nidaamka ama habka loo maamulayo miisaaniyadda dowladda, iyadoo diyaarintiisana ay qaadatay muddo bilooyin ah waxaana shirkan ay wasaaraddu ku qabatay magaalada Muqdisho kala soo qeybgalay safiiro iyo khuburo ka socotay beesha caalamka.
Waxyaabaha ugu waa weyn ee shirka lagu faaqiday waxaa ka mid ahaa in dib u eegis lagu sameeyo dayaca ka jiray qarashaadka ka baxa dowladda sida dhaqaalaha ku baxa goobaha aan habooneyn iyo sidii qaladaadkaasi loo sixi lahaa, iyadoo muhiimadana ay tahay in sanadaha soo socda nidaam fadhiya oo toosan loo helo maareynta dhaqaalaha dalka iyadoo la buuxinayo dhammaanba goobihii ay dul duleeladu ka jireen.
Wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa sheegay in muhiimadda qorshahan uu yahay sidii sanadaha soo socda loo heli lahaa nidaam hagaajisan oo lagu maareynayo dhaqaalaha dalka iyadoo la saxayo qaladaadka jira, talaabadaasina ay fursad u siin doonto shacabka iney si toos ah Dowladdu ula xisaabtamaan dhaqaallaha soo gala iyo halka uu ku baxo.
“Dib u habeyntani waxay muujineysaa ama ay inoo fududeyneysaa haddii aan dhaqaalaheena dib u hagaajino amaba anu xayirno qarashka sida aan habooneyn ku baxa inaan hirgelinno howlaha kale ee Dowladda looga fadhiyo qabashadeeda sida amniga, waxey kaloo noo suurtagelineysaa inaynu helno aaminaad ama kalsooni aan caalamka intiisa kale kula macaamilno sida Bangiga Aduunka iyo IMF” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda iyo qorsheynta.
Hadaba qorshahan ay Wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta soo diyaarisay ayaa waxaa ugu muhiimsan qodobadan:- In sidii afarta sano ee soo socota si cad shacabka loogu soo bandhigi lahaa nidaamka dhaqaalaha dalka, in la xayiro ama la adkeeyo dhaqaalaha sida fudud uga baxa dowladda gudaha iyo dibadda iyo in dhaqaallaha baxaya ay ka muuqato muhiimadda meelaha uu ku baxayo.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.