Alle ha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay Wariye Maxamed Cali Buneyste oo kamid ahaa suxufiyiinta magaalada Muqdisho.
Buneyste ayaa horay ugu soo shaqeeyey Idaacado kala duwan oo ay kamid tahay Radio VOD ee magaalada Muqdisho, sidoo waxa uu ahaa Webmaster ka shaqeynayey horyaalmedia.com.
Maxamed Cali Buneyste ayaa dilkiisa waxaa ka soo baxaya warar kala duwan, wararka qaar ayaa sheegaya in Wariye Buneyste ay toogteen Askar ka tirsan dowladda KMG.
Warar kale ayaa iyana sheegaya in Wariyaha ay ku dhacday rasaas wiifto oo ka timid ciidamo dowladda ka wada tirsan oo isku dhac uu ku dhexmarayey deegaanka Towfiiq.
Wariyahaana ayaa kii labaad ee lagu dilo gudaha Muqdisho 24 saacadood gudahooda.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.