Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa habeenkii Jimcaha ka dhacday Hotelka HOLIDAY – INN ee magaalada Jeddah, xafladaas oo ahayd Qorituurkii tartanka Koobka Walaaltinimada Jaaliyadaha Afrika ee ku nool dalkan Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen dhamaan Qunsuliyadihii (16) ka ee ka soo qeybgalay tartanka.
Qabanqaabada tartankan ayaa dhabarka u ritay Xiriirka Kubadda Cagta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jeddah, iyadoo ay kasoo qeyb galeen dhamaan bahda Isboortiga ee magaalada Jeddah, waxaana si weyn u daadihinayey xafladaasi talefishanada Soomaaliya ee SOMALICHANNEL iyo SNTV.
Tartankan Jaaliyadaha Afrika ayaa ah mid uu maalgeliyo Maalqabeen Sacuudi ah, oo lagu magacaabo Saalax Bin Saalim Baahawiini, iyadoo tartankan kii ka horeeyay ay qaban qaabiyeen Jaaliyadda reer T-Chad, waxaana loogu magac daray DJEMENA 2012 ayna koobkii tartankaasi ku guuleysteen xulka dalka Burkinafaso.Sanadkan waxaa nasiib u helay inay qaban qaabiyaan Jaaliyadda Soomaaliyeed, waxaanu u rajeyneynaa Xulka Dalkeena Soomaaliya inuu guul la taaban karo kasoo hoyo tartankan loogu magac daray MUQDISHO – 2013.
Dhinaca kale waxaa iyana kasoo qeyb galay warbaahin ka socotay dhinaca Carabta oo ay ugu horeeyeen SADA-JEDDAH, iyo Jaraa’idyo ka tirsan dalalka Moroco, Sudan iyo Ivory Coast.
Dhinaca Qunsiliyada Soomaaliya waxaa metelayey Diblomaasi Cabduwelli iyo Ex Xildhibaan Cabdullaahi Raage “Foodcadde” iyo marti sharaf kale oo aad u fara badneyd.
Qorituurka ayaa Xulka Soomaaliya ku riday guruub bir ah, iyadoo ay nasiib u wada yeesheen inay isku guruub noqdaan xulalka dalalka Nayjeeriya, Cameroon iyo T-Chad.
Xiriirka Kubadda Cagta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jeddah ayaa ku guuleystay inay si heer sare ah u maamulaan xafladaasi, waxayna ahayd mid taariikhi ah oo baal dahab ah taariikhda ka galaysa.
Waxaa diyaariyey:
Maxamuud Sh. Cabdulqaadir “diyeeshe”
diyeeshe@hotmail.com
Comments are closed.