Shirkii dib u habeynta Garsoorka dalka ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey magaalada muqdisho oo mudo shan maalmood ah uu ka socday, Halkaan ka aqriso war murtiyeedkii laga soo saaray shirkaasi.
Warmurtiyeedka Shirweynaha Qaran ee dib-u-Habaynta Garsoorka Jimce April 5, 2013 |
ARAAR
1. Iyadoo laga duulayo baaqii madaxweynaha jamhuuriyadda federaaliga Soomaaliya
mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu jeediyay 11kii bishii Febraayo ee sanadka 2013
oo ugu yeeray shirweyne qaran oo looga wada tashanayo dib u habaynta garsoorka iyo
kaabayashiisa, kaasoo ka tarjumayay tiirka labaad ee tiirarka lixda ah (Six Pillar Policy)
ee ay ku qotonto aragtida siyaasadeed oo uu madaxweynuhu ku dhawaaqay 16kii
Septembar 2012;
2. Iyadoo la hirgalinayo himilada shacabka Soomaaliyeed iyo rabitaanka hay’adaha kala
duwan ee cadaaladda lana daboolayo baahida uu u qabo in la helo cadaalad waarta oo u
sahasha muwaadinka Soomaaliyeed helitaanka cadaalad uu isku halayn karo;
3. Iyadoo maalinimadii Isniinta oo taariikhdu ahayd 1da April 2013 ay isugu yimaadeen
ergooyinka ka qaybgalayaasha shirweynahaas oo tiradooda gaarayso in ka badan laba
boqol (200) oo qof oo ka kala yimid gudaha dalka iyo dibadiisa . Kuwaas oo isugu jiray
wakiilo metelayay wasaaraddaha kala duwan, xubnaha baaralamaanka, sharciyaqaano
ka kala yimid gudaha iyo dibada dalka, xubnaha garsoorka iyo kaabayaashiisa,
ciidamada bileyska Soomaaliyeed, ciidanka asluubta, ururarada bulshada rayidka,
ururada haweenka, Jaamacadaha, culimada diinta iyo odayaasha dhaqanka;
4. Iyadoo shirweynuhu uu si rasmi ah u furay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka
Soomaaliyeed mudane Xasan Sheekh Maxamuud, soona dhoweeyay ergada shirka,
mahad celin balaaran ugu jeediyay sida wanaagsan ee loo aqbalay baaqa shirka, kuna
dhiiri geliyay ergada inay soo saaraan talooyin wax ku ool ah oo loo bedeli karo qodobo
la hirgelin karo oo aasaas u noqda dib u qaabaynta garsoorka iyo kaabayaashiisa iyo
dhisidda garsoor tayaysan oo la jaanqaadi kara dastuurka cusub ee dalka iyo
marxaladda cusub ee dalku galay;
5. Iyadoo shirku socday 1da – 5ta bisha April ayaa waxa looga dooday xaalada guud ee
garsoorka iyo kaabayaashiisa ka jira dalka iyo baahiyada sharci ee kala duwan ee
haysata. Waxaana laga soo saaray talooyin xal u noqon kara taabagelinta garsoor
tayaysan oo ilaaliya saraynta sharciga xaqiijiyana himilooyinka cadaalad doonka ah ee
umadda Soomaaliyeed;
Warmurtiyeedka Shirweynaha Qaran ee dib-u-Habaynta Garsoorka Jimce April 5, 2013 | 3
6. Iyadoo khuburada sharciga iyo aqoonyahanada kala duwan waqti dheer iyo dood
cilmiyeedyo badan ka yeesheen sida hadda u dhisan yahay garsoorka iyo qaabka la rabo
inuu ugu adeego shacabka Soomaaliyeed;
7. Iyadoo la tixgelinaayo burburka gaaray hay’adaha garsoorrka tan iyo markii dagaalka
sokeeye dalka ka bilowday, arintaas oo keentay baahi loo qabo in dib u habayn lagu
sameeyo nidaamka garsoor ee hadda jira, isla markaana ay lagama maarmaan tahay,
dastuurka dalkuna farayo, in la adkeeyo madaxbanaanida garsoorka;
8. Iyadoo ka qeyb galayaasha shirweynuhu booqdeen qeybo ka mid ah maxkamadaha iyo
xabsiga dhexe ee gobolka banaadir;
Warmurtiyeedka Shirweynaha Qaran ee dib-u-Habaynta Garsoorka Jimce April 5, 2013 | 4
TALOOYINKA LASOO JEEDIYAY
Khuburadii iyo dhamaan dadkii ka qayb galay shirweynaha qaran ee dib u habaynta
garsoorka iyo kaabayaashiisa waxay soo jeediyeen talaabooyinka hoos ku xusan inay yihiin
kuwo leh mudnaanta koowaad, islamarkaana ay ku baaqeen in loo dhaqan geliyaa sida ugu
dhakhsiyaha badan.
Kadib markii ergada shirweynuhu dhagaysteen talooyinka kala duwanaa ee ku saabsan dib
u habaynta garsoorka iyo kaabayaashiisa ee ay soo bandhigeen guddi howleedyadii kala
duwanaa.
Shirweynuhu wuxuu soo jeedinayaa talooyinka soo socda:
1. In si deg deg ah dib uhabayn loogu sameeyo hay’adaha garsoorka iyo kaabayaashiisa
si waafaqsan distuurka federaalka iyo xaalada kajirta dalka;
2. In si dhaqso ah loo sameeyo gudiga adeegga garsoorka si waafqasan dastuurka;
3. In si dhaqso ah loo soo dhiso maxkamadda dastuuriga si waafaqsan dastuurka;
4. In la dhiso maxkamadaha federaalka si waafaqsan dastuurka, laguna baahiyo
qaybaha dalka oo dhan muddo ku haboon;
5. In la tayeeyo maxkamadda ciidanka qalabka sida si ay u fuliyaan howlahooda, dib u
eegisna lagu sameeyo xeerarkooda.
6. In dayactir iyo dib u dhis lagu sameeyo dhismayaasha maxkamadaha loona
qalabeeyo si waafaqsan halbeegga caalamiga ah ee dhismayaasha maxkamadaha;
7. Si loo helo madaxbanaanida garsoorka in lakala xadeeyo howlaha hay’adaha fulinta
iyo kuwa garsoorka;
8. In howlwadeenada garsoorka la siiyo mushaaro iyo agab ku filan si ay u gutaan
howlaha loo igmaday
9. In kor loo qaado tayada howlwadeenada garsoorka iyo kaabayaashiisa;
10. In dib u habayn lagu sameeyo xafiiska xeer ilaalinta si waafaqsan dastuurka
islamarkaana la tayeeyo howlwadeenada xafiiska xeer ilaalinta;
Warmurtiyeedka Shirweynaha Qaran ee dib-u-Habaynta Garsoorka Jimce April 5, 2013 | 5
11. In dib u habayn lagu sameeyo dhamaan shuruucda dalka si waafaqsan dastuurka iyo
shareecada Islaamka, lana dhiso guddi ka shaqeeya howlahaas aqoon xeeldheerna u
leh
12. In baarlamaanku si dhaqso ah u meel mariyo samaynta iyo dhismaha shuruucda iyo
hay’adaha lagu dhisayo garsoorka dalka iyo xeerarkiisa si waafaqsan dastuurka;
13. Si ay howshoodu ugu gutaan si hufan oo dhowreysa xuquuqda muwaadiniinta waa
in dib u habayn lagu sameeyo hay’adaha boliiska, ciidanka asluubta iyo kuwa
nabadsugidda laguna tababbaro dhowrista xuquuqda aadanaha, anshaxa iyo
mabaadi’da Islaamka;
14. In dib u dhis lagu sameeyo xabsiyada dalka oo la waafijiyo halbeega xabsiyada
casriga ah, islamarkaana la dhowro xuquuqda aasaasiga ee maxbuuska.
15. In lasoo saaro xeerar lagu ilaalinayo xuquuqda haweenka, caruurta iyo dadka
naafada ah; loona dhiso maxkamado gaar u ah caruurta iyo da’yarta islamarkaana si
buuxda looga hortago tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda haweenka,
16. In haweenka loo suurta geliyo inay ka qayb qaataan dhamaan hay’adaha cadaaladda
si waafaqsan dastuurka;
17. In la dhiiri geliyo kaalinta hay’adaha bulshada rayidka ay ku leeyihiin wacyigelinta
arrimaha sharciga iyo cadaaladda;
18. In muwaadinka loo fududeeyo helitaanka cadaaladda, islamarkaana tixgelin gaar ah
la siiyo dadka danta yar;
19. In si dhaqso ah loo sameeyo gudiga la-dagaalanka musuqmaasuqa lana xoojiyo
kaalintiisa sharci;
Warmurtiyeedka Shirweynaha Qaran ee dib-u-Habaynta Garsoorka Jimce April 5, 2013 | 6
DHAQAN GELIN
Haddaba si loo dhaqan geliyo talooyinka wax ku oolka ah ee kor ku xusan, loona helo
farsamadii sharciyeed iyo talaabooyinka bilowga ah ee lagu hirgelin lahaa talooyinkaas,
shirweynuhu wuxuu soo jeedinayaa talaabooyinka hoos ku xusan oo khuseeya dib u
habayn lagu sameeyo garsoorka iyo kaabayaashiisa.
Garsoorka
Qeybta 1aad
Iyadoo la cuskanayo qodobada 109 A, 109 B, 111 B, 111C, 111 J, 112 iyo qodobka 114 ee
dustuurka Federaalka ah, shirwaynuhu wuxuu ugu baaqayaa xukuumada in muddo saddex
bilood gudahood ay baarlamaanka ugu soo gudbiso xeerarka hoos kuqaran:
1. Xeerka guddiga adeega garsoorka
2. Xeerka maxkamada dastuuriga
3. Xeerka gudiga xuquuqda aadanaha
4. Xeerka gudiga dib u habaynta shuruucda
5. Xeerka xafiiska madaxa banaan ee xeer ilaaliyaha guud (Attorney General)
6. Xeerka gudiga la dagaalanka musuqmaasuqa
7. Xeerka xafiiska gardoonka qaranka
Sidoo kale shirwaynuhu wuxu ku baaqayaa in muddo shan bilood gudahooda:
1. Lagu soo dhiso maxkamadda dastuuriga
2. Lagu soo magacaabo gudiga adeega garsoorka
3. lagu soo magacaabo gudiga madaxa banaan ee xuquuqda aadanaha
4. Lagu magacaabo gudiga la dagaalanka musuqmaaquqa.
5. Lagu soo magacaabo gardoonka qaranka (Ombudsman)
Warmurtiyeedka Shirweynaha Qaran ee dib-u-Habaynta Garsoorka Jimce April 5, 2013 | 7
Qeybta 2aad
Shirwaynuhu wuxu ku baaqayaa in gudiga adeega garsoorku ay muddo seddex bilood ah ku
soo magacaabaan guddiga kala saarista ( Judicial Vetting Committee), gudigaas oo ay
hawshoodu noqon doonta in si dhaqso ah uga baaraan degto, qiimeyna ku samayso tayada
aqooneed, waaya aragnimada, wax qabadka, hufnaanta iyo daacadnimada dhaamaan
hawlwadeenada garsoorka hada shaqeeya ee ay kamid yihiin:
1. Garsoorayaasha
2. Hawlwadeenada maxkamadaha
3. Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud iyo dacwad oogayaasha
4. Dhamaan hawlwadeenada
Qeybta 3aad
Shirweynuhu wuxu ku baaqayaa in la aasaaso machad qaran ((National Judicial Training
Institute), oo si joogto ah loogu tababaro hawladeenada garsoorka iyo kaabayaashiisa,
kaas oo hoos tagi doona wasaaradda cadaaladda.
Qeybta 4aad
Shirwaynuhu wuxu ku baaqayaa in khubaro aqoon u leh ay si dhakhso ah sahamo ku soo
sameeyaan dhismayaasha maxkamadaha hadda jira si ay uga soo talo bixiyaan kuwa baaba’san
oo u baahan dhismo cusub iyo kuwa la dayactirayo, si loo waafajiyo halbeega caalamiga ee
dhismayaasha maxkamadaha. Sidoo kale wuxuu shir weynuhu ku baaqay in dhismayaal
maxkamado oo cusub lagu baahiyo dhamaanba goobaha dadku ku badanyahay.
Qeybta 5aad
In la dhiso agaasin maamul (Court Administration System) oo hoos taga gudiga adeega
garsoorka kaas oo masuul ka ah dhamaanba arrimaha maamul iyo maaliyadeed ee ay u
baahan yihiin hay’adaha garsoorka iyo maareyntooduba.
Warmurtiyeedka Shirweynaha Qaran ee dib-u-Habaynta Garsoorka Jimce April 5, 2013 | 8
2. SHURUUCDA DALKA
Qaybta 1aad
Shirweynuhu wuxu ugu baaqayaa xukuumada in mudo hal bil gudeheed ay ku soo
magacawdo gudiga qaran ee dib u habeynta shuruucda (National Law Reform Commission)
oo shaqadeedu tahay dib u eegista dhamaan shuruucda dalka si loo ogaado shuruucda u
baahan in wax laga badalo ama dib u habeyn lagu sameeyo, iyo ka tala bixin xeerarka cusub
ee loo baahan yahay si loo waafajiyo dastuurka federaalka ee dalka.
Qaybta 2aad
Shirweynuhu wuxu ku baaqayaa in gudiga dib u habeynta shuruucda lagu daro culumo
soomaaliyeed oo ku xeel dheer shareecada islaamka oo sumcad ku leh bulshada dhexdeeda
si ay gudiga ugu fududeeyaan in shuruucda dalka la waafajiyo shareeecada islaamka.
Gudigaas oo mudnaanta koowaad siin doonta soo diyaarinta xeerarka kala ah:
1. Xeerarka nidaamka garsoorka
2. Xeerka Ciqaabta
3. Xeerka habka ciqaabta
4. Xeerarka habka madaniga iyo
5. Xeerka la dagaalanka burcad badeedka iyo argagixisada
6. Dhamaan xeerarka kale oo dhan iyada oo gudigu uu eegi doono marba sida
loogu kala baahi badanyahay.
Qeybta 3aad
Shirweynuhu wuxuu ku baaqayaa in si dhakhso ah dib u habayn loogu sameeyo faafinta
rasmiga ah (Official Gazette) si loogu faafiyo dhammaan shuruucda dalka iyo arimaha kale
ee rasmiga ah, islamarkaana dadka loogu wacyi geliyo shuruucda dalka.
Warmurtiyeedka Shirweynaha Qaran ee dib-u-Habaynta Garsoorka Jimce April 5, 2013 | 9
3. BOOLISKA
Shirwaynuhu wuxu hoosta ka xariiqay in boolisku ahmiyad wayn ugu fadhiyo dhaqan
gelinta nidaamka cadaaladda ee suuban, sidaas darteed, waxa uu xukuumada ugu
baaqayaa:
1. In tababarada akadeemiyaasha booliska lagu daro duruus ku saabsan xuquuqda
aadanaha si waafaqsan dastuurka iyo shareecada islaamka;
2. In si gaar ah booliska loogu tababaro ixtiraamka xuquuqda dastuuriga ah ee uu
leeyahay muwaadinka soomaaliyeed;
3. In ciidanka booliska lagu tababaro hannaanka dambi barista ee casriga ah, isla
markaana xarumaha dambi baarista lagu qalabeeyo tiknoolajiyada cusub ee
fududeyn karta baarista danbiyada;
4. In la abuuro guddi kormeer oo rayid ah (Civilian Oversight Committee) kaas oo kala
xsibaatami doonta ciidanka bileyska hawlaha uu u hayo bulshada si waafaqsan
dastuurka.
4. XABSIYADA
Shirweynuhu wuxu ku baaqayaa:
1. In la dhiso xabsiyo leh dhamaan adeegyada aasaasiga u ah maxaabiista, isla
markaana tababarka ciidanka asluubta lagu daro duruus ku saabsan xuquuqda
aadanaha si waafaqsan dastuurka iyo shareecada islaamka;
2. In dib u eegis deg deg ah lagu sameeyo xeerka xabsiyada, lana dhaqan galiyo hab
raac damaanad qaadi kara ilaalinta xuquuqda maxbuuska si waafaqsan dastuurka,
shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da shareecada islaamka;
5. XUKUUMADDA
Shirwaynuhu waxa uu xukuumada ugu baaqayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan usoo
magacawdo gudiga dib u eegista iyo dhaqan gelinta dastuurka (Review and
Implementation Commision) sida ku xusan qodobka 134 B ee Dustuurka.
Warmurtiyeedka Shirweynaha Qaran ee dib-u-Habaynta Garsoorka Jimce April 5, 2013 | 10
6. GUNAANAD IYO MAHADNAQ
Haddaba marka la dhaqan geliyo talooyinka shirka, waxaa aan ku han weynahy in la helo
Nidaam cadaaladeed oo ku salaysan:
1. Nidaam cadaaladeed oo hagaya dowladda lana xisaabtamaya
2. Nidaam garsoor oo shacabku isku halayn karo, ku kalsoonaan karo, loona siman
yahay
3. Nidaam cadaaladeed oo keenaya sarraynta iyo u hogaansanka sharciga
4. Helitaanka nidaam cadaaladeed oo hufan oo dhowraya xuquuqda aadanaha,
muwaadin kastana si sahlan u heli karo.
Shirwaynuhu waxa uu xusuusineynaa xukuumadda iyo dhinacyada ay khuseyso in
hirgalinta talooyinkan, diyaarinta qawaaniinta iyo hay’adaha ka dhalan doona ay u baahan
yihiin miisaaniyad, shaqaale leh tababar iyo dhismooyin lagu hirgeliyo howshaas, taas oo
ay lagama maarmaan tahay in loo qorsheeyo si ku haboon.
Gabagabadii Shirweynuhu wuxuu si weyn ugu mahad celinayaa dhamaan ka
qeybgalayaasha, si gaar ah wuxu shirweynuhu ugu mahad celinyaa waftiga balaaran ee ka
socda dawlad goboleedka Puntland oo isugu jiray wasiiro, garsoorayaal iyo aqoonyahan si
fir fircoona u soo bandhigay waaya aragnimadooda xaga garsoorka. Sidoo kale waxa mudan
mahadnaq gaar ah aqoonyahanada ka kala yimid daafaha adunka.
Ugu dambayntii shirku wuxuu u mahad celinayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliyeed mudane Xasan Sheekh Maxanuud.
Allaa Mahad Leh!
Shirwaynaha Qaran ee Dib u Habeynta Garsoorka
Mogadishu April 5, 2013
Comments are closed.