Ra’iisul Wasaare Saacid Oo Maanta U Safaray Dalka Dibadiisa

jiinka April 3, 2013 Comments Off
Ra’iisul Wasaare Saacid Oo Maanta U Safaray Dalka Dibadiisa

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho isaga oo safarkiisa ugu horeeye ee dalka dibadiisa aaday tan iyo magacaabistiisa.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Garoonka Magaalada Muqdisho waxaa kusii sagootiyay siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar kamid ah wasiirada.

 

Safarka ugu horeeya ayaa wuxuu ku tagaya Dalka Jabuuti halkaasi oo ay isku arki doonaan Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalkaasi iyo madaxda dalkaasi.

 

Kadib Ra’iisul Wasaaraha waxaa la sheegay inuu tagi doono dalalka Ethiopia,Uganda iyo Kenya halkaasi oo uu socdaalo kusoo mari doono.

 

Waa safarkii ugu horeeyay ee dalka dibadiisa uu u aado Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya tan iyo markii la magacaabay isaga oo safaradiisa ugu badan ku bixiyay Gobalada dalka Soomaaliya.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.