Barbaartii SHANDI oo Budh la dhacay Birihii Daallo, IFTIN Stars oo banaanka soo dhigay tabardaradii Gold Stars, iyo MIDNIMO oo xaqiijisay kabixitaanka tartanka kooxda Fc-Royal.
Cayaaro xiiso badnaa ayaa maanta ka dhacay garoonka Altaraji, Cabaadi iyo Lembi ee xaafadda Caneykish ciyaaro kawada tirsanaa tartanka Koobka Marxuum Suleymaan Colaad Rooble oo haatan galay heer kala bax ah.
Ciyaartii hore ayaa waxay dhexmartay kooxaha Daaloo Vs. Fc-Shandi, kuwaasi oo soo bandhigay ciyaar aad iyo aad usoo jiidatay taageerayaashii maanta u soo daawasha tegay garoomada Sharafiyah, iyadoo ay labada kooxoodba lee yihiin rajo weyn inay usoo gudbaan wareega labaad ee tartanka.
Kooxda Daallo ayaa kulanka kusoo gashay iyadoo sidata 5 dhibcood iyo 2 gool, halka kooxda Fc-Shandi ay iyana kusoo gashay 3 dhibcood iyo 2 gool, waxayna cayaarta ku bilaabeen weeraro halis ahaa oo labada dhinac ruxay.
Barbaartii Shandi ayaa ahayd kuwo si wacan ugu soo tabaabusheystay inay hantaan dhibcihii maanta, waxayna kooxda Daallo ka haysteen dhexda iyo labada dhinac, iyagoo ku noojiyay weerarada labada dhinac ka yimaada.
Waxay cayaartu socotaba waxay daqiiqadii 16-aad ku hubsadeen goolka reer Daallo gool qurux badan oo cayaarta wax weyn ka bedelay, waxayna reer Daallo bilaabeen inay la jaan qaadaan kooxda Shandi oo iyana aan u aaba yeelin goolka ay sidato waxayna sii waday weerarada ay ku hayso goolka Daallo, qeybtii hore ee ciyaartana waxay kusoo idlaatay 1 – 0 oo ay Shandi ku hogaaminaysay.
Gelinkii dambe ee ciyaartii kolkii la isugu soo noqday ayay koox walba lasoo gashay dardar hor leh oo ay ku doonaysay inay ku boobsadaan kooxda ka soo horjeeda,
haseyeeshee nussu saacii hore waxay iska dhalin waayeen wax gool ah.
Bedelaad ciyaartoy oo uu sameeyay Tababare Maxamed Mayow ayaa waxaa u suura gashay inay laba gool oo darandoori ah la helaan shabaqa goolka Daallo oo niyadjab ka qaaday goolkii labaad, waxayna cayaarta kusoo gabagabowday 3 – 0 oo ay FC-SHANDI guusha halkaa ku raacday.
Ciyaartii Labaad ayaa iyana dhexmartay kooxaha IFTIN STARS (Iftiinka Gacameey) Vs GOLD STARS, waxayna ciyaartaasi ahayd mid ay kooxda IFTIN si naxriis daro ah ay u maamuleen dhalinyaradii Gold Stars oo aad mooday inay hurdo qabeen.
Gelinkii hore ee ciyaarta ayaa waxay kooxda Iftin kusoo gabagabeysay 3 – 0, halka ay laba gool oo kale ka dhaliyeen gelinkii labaad, kuna soo qatimeen ciyaarta 5 – 0 oo ay dhibcaha kaga urursadeen shalay.
Cayaartii Saddexaad ayaa iyana dhexmartay kooxaha MIDNIMO Vs FC-ROYAL, iyadoo ay kooxda FC-ROYAL rajo dhigtay, hadana cayaartani waxay ahayd tii ay si cad ah uga baxday tartanka Koobka.
Cayaartoyda kooxda MIDNIMO ayaa si isweydaarsi ah ukala gaaray goolka reer FC-ROYAL iyagoo 4 gool ugu awood sheegtay.
Maxamuud Sheekh Cabdulqaadir “DIYEESHE”
diyeeshe@hotmail.com
Comments are closed.