Madaxweyne Xasan Sheekh:- Inta Muwaadin Soomaaliyed hantidiisa la heysto Soomaaliya ma dageyso”

xeydar April 2, 2013 Comments Off
Madaxweyne Xasan Sheekh:- Inta Muwaadin Soomaaliyed hantidiisa la heysto Soomaaliya ma dageyso”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay furay shirweynaha qaran ee ka wada tashiga dib u habeynta Garsoorka dalka, wuxuuna halkaasi ka jeediyey khudbad xasaasi ah oo dhinacyo badan taabaneysay, shirweynahan oo ah kii u horeeyay noociisa oo ay dowladda Soomaaliya qabato ayaa waxaa ka qeyb galaya Wakiillo ka socday Maamullada Gobollada dalka, gar-yaqaanno, Aqqoonyahanno iyo Culumaa’udiin ka kala yimid Gudaha iyo Dibadda Dalka iyo xubno kale oo ka tirsan bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in shirkan uu aas aas u yahay sidii dadka Soomaaliyeed ay ugu kalsoonaan lahaayeen Garsoorka wadanka, maadaama ay cabasho badan horay uga keeneen Muwaadiniin Soomaaliyeed kuwaasoo ay sabab u yihiin daruufaha uu xilligaan wadanka ku suganyahay sida uu yiri “Dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an in ay Dalka ka hirgeliso Garsoor Dhab ah oo qaabeysan iyo Siyaasad Deggan si ay Ummadda Soomaaliyeed ugu diiradaan inaysan gorgortan ka gelin waxa ay xaq u leeyihiin una adeegsadaan Sharciga” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo khudbaddiisa sii wata ayaa ka codsaday ka qeybgaleyaasha Shirweynaha inay booqdaan inta uu socdo Shirweynahan Goobaha ay ku shaqeeyaan hay’adaha Garsoorka iyo caddaalladda u qaabilsan Soomaaliya gaar ahaan Maxkamadaha,Xabsiga Dhexe iyo Saldhigyada Ciidamada Booliska Soomaaliyeed si ay u helaan Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida ay u shaqeeyaan xaruumahaasi .

“Inta Muwaadin Soomaaliyed hantidiisa la heysto, gurigiisa la heysto, beertiis la heysto Soomaaliya ma dageyso, waa in laga shaqeeya sidii la isku celin lahaa hantida la kala heysto”ayuu yiri Madaxweynaha oo ku baaqay in la isku celiyo hantida la kala qaatay, isagoo sheegay in wixii ka dambeeyay 26-kii Janaayo 1991-dii wixii Hanti dowlad ay laheyd ee la bixiyey aysan waxba ka jirin, isla markaana hantida dowladda dib loo soo celiyo.

“Dhulkii dowladdu lahayd wixii ka horreeyay 1991-kii dowladda ayaa iska leh, qofka haysta ee ka dhigtay guriga, goobta shaqo ama garaashka waxaan leennahay hadda iska hayso, balse haddii ay dowladdu u baahato wa lagaa qaadayaa oo laguuma dhaafayo,” ayuu madaxweynuhu ku yiri hadalkii uu shirka ka jeediyay.

Madaxweynaha ayaa xusay in shirkan uu sidoo kale qeyb ka yahay 15 Shirweyne Qaran oo ay Dowladdu dooneyso inay ku qabato gudaha dalka, isagoo intaasi ku daray in waxyaabaha laga soo saaro Shirkan ay dowladdu ka go’antahay diyaarna u tahay inay dhaqangeliso maadaama ay soo saareen Wakiillo matalaya Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Masuuliyiintii ka hadashay Furitaanka Shirweynaha oo ay kamid ahaayeen Guddoomiyaha Maxkmadda sare ee dalka Ceydiid Ilkaxanaf,Wasiirka Garsoorka ,arrimaha Diinta iyo Awqaafta C/llaahi abyen Nuur, Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarzan iyo Wasiiru Dowlaha cadaaladda Puntland Yuusuf Axmed Kheyr ayaa sheegay inay gacansiinayaan sidii uu shirkaasi u mira dhalilahaa ,islamrkaasna ay uga soo bixi lahaayeen qodobo wax tar u ah garsoorka soomaaliyeed

Dhinaca kale waxaa shalay Galabtii madasha uu shirka ka socdo lagu soo bandhigay Taariikhda iyo Maraxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Garsoorka Soomaaliya,iyadoo masuuliyiintii ka hadashay ay kamid ahaayeen Sh. Bashiir Axmed Salad Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyo Prof.C/Wahaab oo kamid ah Xubnaha Guddiga Heerka Qaran ee Qabanqaabada Shirweynaha looga tashanayo Garsoorka, shirweynaha oo socon doona Ilaa 5-April ayaa waxaa uu noqonayaa Shirweynihii ugu horeeyay oo ay qabato Dowladda Soomaaliya 22 Sano kadib oo uusan Garsoorka Soomaaliya u shaqeyn sidii loogu talagalay maadaama ay Hay’adihii Garsoorka kamid noqdeen hay’adihii ka burburay qaranka Soomaaliyeed mudadii ay kala dambeyn la’aantu ka jirtay wadanka.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.