Iyada oo wali xubnaha ka qeybgalaya shirka lagu dhisaayo Dowlad Goboleedka Jubbaland ay sheegayaan inaan shirkaasi la joojineynin islamrkaasna sida ay yiraahdeen uu hadda gabagabo marayo ayaa shalay waxaa shirkaasi lagu qeybiyey nuqulo ka mid ah dastuur la sheegay inuu yeelanayo maamulka la qorsheeyey in laga dhiso gobol kaasi oo la sheegay inay ka soo shaqeeyeen dad sharci-yaqaano ah muddona ku hawlanaa, waxaana la sheegay in nuqulo ka mid ah Dastuurkaasi loo qaybiyey ergooinka ka socda saddexda gobol ee Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo oo sida la sheegay joogay ergooyinka , waxaana la siiyey muddo ay ku soo akhristaan ugana doodaan si loo meel mariyo dasuurkaaas.
Shirkii shalay lagu qaybiyey Dasuurka waxaa ka mid ahaa dadkii ka hadley Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali oo isagu ahaa marti sharaf, waxaana uu sheegay in abaabulkii shirkaan uu wax ka ogaa uuna ku faraxsan yahay in maanta uu joogo dhamaystiridiisa sida uu yiri , waxaana uu sheegay in dhismaha maamulka Jubbaland uu Soomaaliya wanaag iyo nabad ku soo kordhin doono.
Sidoo kale waxaa ka hadley Guddoomiyaha Shirka Macalim Maxamuud oo sheegay maanta in ay tahay maalin weyn maadaama la soo gaarey heer dastuurkii la soo bandhigo sida uu yiri,wuxuuna intaasi ku daray in dowladda soomaaliya ay dooneysay sida uu yiri inay dib ugu celiso KMG aanu ka soo baxnay taasna ay ka diideen sida uu yiri
Waxaa dhawaan lagu guuldaraystey in Dowladda federaalku taageerto shirka Jubbaland lagu dhisaayo taas oo dadka deeganaadaasi doonayaan in ay dhistaan maamul ay kaga mid noqonayaan Federaalka Soomaaliya, waxaana Dowladda Federaalku ku tilmaantey shirkaas mid aan sharci ahayn, halka afhayeenka maamulka kumeel-gaarka ah ee Jubbooyinka Cabdinaasir Seeraar sheegay in shirku socon doono Jubbaland dhalanayso, rabitaanka dadka deeganadaasna aan la hor istaagi karin oo aysan jirin cid danbe oo talada maroorsan doonta ee loo sinaan doono Jubbaland.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.