Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo maanta kula hadlay meel fagaare ah boqolaal ruux oo reer Jowhar ah ayaa waxa uu u sheegay in dowladiisu aysan raalli ka ahayn cadaalad darada.
Qaar ka mid ah odayaal iyo waxgarad ka hadlay kulankii lagu qabtay beer ku taal magaalada Jowhar ayaa waxaa ay sheegeen in ay tabanayaan cadaalad darro.
Nabadoon Qaroofow oo ka mid ahaa dadkii hadlay ayaa sheegay in uusan arag cadaalad loo sameeyay shacabka uu ka soo jeedo, waxana uu codsaday in wixii xaq ah ee ay leeyihiin la siiyo isla markaana si cadaalad ah ummada loogu maamulo.
Sidoo kale waxgaradkii hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Daahir Muxidiin Mocow oo sheegay in shacabka reer Jowhar laga qaado canshuur taasoo aan bulshada wax loogu qaban.
Hase yeeshee odayaal iyo waxgarad badanoo ka hadlay kulankan ayaa waxa ay sheegeen in gobolka Sh/dhexe uu u baahan yahay in dowladu ay wax u qabato ammaan buuxana uu ka jiro.
Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cabdi Jiinow Calasow ayaa waxa uu sheegay in dowlada aysan wax badan u qaban gobolka isla markaana dhibaatooyin badan ay ka jiraan gobolka. Waxana uu guddoomiyuhu sheegay in uusan maamulkiisu qaadin canshuur balse ay qaadeen wax uu ku tilmaamay Municiabality taasoo wasaarada arrimaha gudaha u fasaxday.
“Mudadii koobneyd ee gacanta gobolka ay soo gashay dowlada waan isku tashanay waxaana ka mid ah waxyaabaha aan qabanay in aan xirnay mid kamid ah meelaha uu wabiga Shabelle ka fataho taasoo aysan jirin cid gacan nagu siisay oo maamulka gobolka uu isku tashaday.” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cabdi Jiinow.
Ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxa uu sheegay in ujeedada safarkiisa uu ahaa sidii ay bulshada uga dhagaysan lahaayeen waxa ay qabaan uuna ka ogaaday hadaladii la soo jeediyay in cadaalad darro ay tirsanayaan.
“Waxyaabaha aad ka tabateen waxaa ka mid ah, cadaalada daro si cad oo aan leex leexad laheyn ayaa uga soo horjeednaa, Xukuumadeydana uma dulqaadan doonto, waana xaqiiqsanahay in hadii aysan cadaalad jirin aan nabad la gaari karin, Soomaali rasmi lama gaari karo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mahad celiyay soo dhoweynta diiran ee la sameeyay, taasoo aheyd mid aad u sareysay, oo ka duwaneyd soo dhoweyntii Gobolada loogu sameeyay, isagoo tilmaamay in maanta uu xaqiiqsaday maah maahdi aheyd Aduunyo Jowhar ka joog Aaqirana Jano.
“Waxaa maanta xaqiiqsaday maah maahdii aheyd Aduunyo Jowhar ka jooq, Aaqirana Jano, Reer Jowhar sida ii casuunteen oo aad beerahan quruxda badan ee aan harsaneyno ayaa ka marqaati ah”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.
Ra’iisal wasaare Saacid ayaa ballanqaaday in uu wax ka qaban doono cadaalada isagoo xusay in mudada kooban ee dowladiisu jirtay ay waxbadan ka qabatay cadaalada.
Booqashada uu Ra’iisal Wasaare Saacid ku tegay magaalada Jowhar ayaa ahayd mid safar dhulka ah uu ku tagay iyadoo ammaanka aad loo adkeeyay.
Comments are closed.