Tartanka Koobka Jeneraal Daa’uud oo ka furmay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudiga‏

xeydar March 30, 2013 Comments Off
Tartanka Koobka Jeneraal Daa’uud oo ka furmay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudiga‏

Jeddah: Kooxaha Jubba Airways iyo SomaliFruit oo lagu Furey Tartankii Koobka Jeneraal Daa’uud ee magaalada Jeddah.
Waxaa ka furmay Garoonka weyn ee SPIRE SPORTS ee magaalada Jeddah Tartanka koobka Jeneraal Daa’uud oo ah Tartan caan ah oo Sanadkiiba mar uu qabto Xiriirka Kubada Cagta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jeddah, tartankan ayaa waxaa ka qeyb galaya 24 kooxood waxaana lagu furay tartankaasi cayaar dhexmartay kooxahaJuba Airways iyo SomaliFruit, cayaartaas oo ugu dambeyntii ku soo idlaatay 1 -0 ay Guushu ku raacday Kooxda SomaliFruit.
Waxaa furitaanka tartankan kasoo qeyb galay bahda Isboortiga ee ku sugan magaalada Jeddah, iyadoo ay ku wehliyeen gudi ka socday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wacyigelinta bulshada, waxaana ka mid ahaa ka soo qeyb galayaashii, Muuse Cabdalla “Goobe”, Awees Amiin, Qaasim Salaad, Ismaaciil Naaleeye, Maxamed Cabdi BAADI, Cabdicasiis Maxamuud Kulmiye, iyo Yuusuf Xaaji, halka dhinaca xafiiska wacyigelinta Jaaliyadda Soomaaliyeed ay kasocdeen Ibraahim Barkhat, Sheekh Cumar, Eng. Xasan Sh. Cabdi iyo Eng. Cabdi “Shabeelle”.
Waxaa halkaasi ka hadalay intaysan cayaartu bilaaban guddoomiyaha Towciyada Jaaliyadda Soomaaliyeed ugu qaabilsan dhinaca dhalinyarada iyo Isboortiga Cabdi Maxamed “SHABEELLE” oo la hadlay ciyaartoyda labada kooxood, isagoo u sheegay in Jaaliyadda ay ahmiyad weyn siinayso Tartamada ka dhaca magaalada Jeddah, wuxuuna carabka ku adkeeyay in isboortigu yahay aalada isu soo dhawaanshaha bulshada, sidaa darteedna la doonayo in lala yimaado asluub wanaagsan oo horey marisa sumcada bulshaweynta Soomaaliyeed.
Maamulka xiriirka kubadda Cagta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jeddah oo ay metelayaan Gudoomiye Maxamed Awees, Saalax Baajaabir, Cali Cambuulo, Abii Baraf, Yacquub Axmed, ayaa ku guuleystay inay tartanka si habsami leh u agaasimaan, iyadoo ay ka muuqatay dadaal dheer oo ay u galeen hamsami u qabadka tartanka.
Waxaa sidoo kale Maalintii Jimcaha ciyaaro ka tirsan Tartanka Kubbadda cagta Koobka jeneral daa’uud fooda is darey Kooxaha Ajax Sharbatle iyo Kooxda Xamar Jajab iyadoo ciyaartaasi ahey mid aad iyo aad u kulul oo aysan koox waliba u suurto gelin inay halkaaso wax gool ah ka dhaliyaan waxaana ciyaarta waqtigii loogu talagaley kusoo gabgabowdey 0 : 0 .
Sidoo kale waxaa ciyaar kale oo xiiso badan dhex martey kooxaha Boondheere iyo Bakool waxeyna ciyaartaasi aheyd mid xiiso gooni ah laheyd waxaana ciyaartaasi 2:1 ay guusha ku raacdey dhalinyaradii ku ciyaaraayey magaca Bakool .
Ciyaarahaasi waxaa Goob Joog ama kormeerayaal ka ahaa Guddiga Maamulka Xiriirka Kubbadda Cagta Cali Shiikh Cadow – Salaax baajaabir – Yacquub Axmed Maxamuud – cali Cambuulo – Zeylac – Abii Baraf – M-Aweys, sidoo kale Guddoomiye C/risaaq Iimaan Xalane, Cali Colaad “Baashi” iyo Guddmiye M-Enow, Maxamed Axmedey iyo Cumar Kubri.
Waxaana uu jawiga ahaa Mid aad iyo aad u wanaagsan
Maamulka xiriirka Kubadda Cagta Jaaliyadda Soomaaliyeed waxaad kala xiriiri kartaan: Jedsomsport@hotmail. com Jedsomsport@gmail.com

 

Waxaa diyaariyey:
Maxamuud Sheekh Cabdulqaadir diyeeshe
diyeeshe@hotmail.com

Comments are closed.