Hoteelada Magaalada Muqdisho ku yaal Tiro Badanaa oo Magacyo Xumaa!(Daawo Sawirada Qaar kamid ah Hoteeladaasi)

xeydar March 29, 2013 Comments Off
Hoteelada Magaalada Muqdisho ku yaal Tiro Badanaa oo Magacyo Xumaa!(Daawo Sawirada Qaar kamid ah Hoteeladaasi)


  Dadka Soomaaliyeed waxay leeyihiin Dhaqan ku saleysan Diinta islaamka oo si weyn ay ugu faanto , hase yeeshee Dhaqankaas Suuban waxaa moodaa in uu meesha ka soo baxayo gaar ahaan Tan iyo Markii ay Dhaceen Dagaaladii Sokeeye. Hadaba iyadoo taasi ay jirto ayaa waxaa Waqtiyadii ugu Dambeeyey ku soo badanayey Magaalada Muqdisho Hotelada ay furanayaan Ganacsato Soomaaliyeed,

Ma Xuma in la furto Hotelo hase yeehee Hoteladaasi ma wataan Magacyadii ummada Soomaaliyeed ay Dhaqanka u lahayeen ,waxaa mid waliba uu wataa Magacyo Shisheeye oo Af Qalaad ku Qoran waxaana ka mid ah Magcayada Hoteladaasi Golden City, City Palace, Kuweyt Palaca . Lido Sea Food, The Village, Al-Jasiira, Oriental, Safari, Paradise, Amira ,Imperial, Peace,Town City ,Ambassador, Bikiin, Saxafi ,

 

Magacyadaan iyo kuwa ka sii badan waxay si aad ah u soo muuqdeen Labadii Sano ee ugu dambeysey waxaana ay yihiin kuwa ay la yimaadeen dadka Soomaaliyeed ee Qurba joogto ah , waxaana halkaasi kaaga muuqanaya in ay soo baxayaan warar hore loo sheegey oo ahaa in dadkii u baxay Dibadaha Mustaqbalk ay la soo laaban doonaan Dhaqamadii ama Afafkii Dalalkii ay tageen, taasoo haatan ay soo if baxeen .

 

Waa jiraan Hotelo qaatey Magacyada Soomaliyeeda ay Dhaqanka u leeyihiin waxaana kuwaas u soo jeedinayaa Mahad gaar ah waxaa ka mid ah Hotel Aaran Hotel Janaale, Raasa, Kaah , Bulsho Hogol iyo Barwaaqo hase yeeshee waxaa aad u badan kuwa wata Magacyada Shisheeye mar aan weydiiyey mid ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed sababta keentey in laga cararo Magacyadii ay ummada Soomaliyeed ay ku faani jireen ama Dhaqanka u lahaayeen ayaa yiri “ Sida aad ula yaabtey ayaa anigana ula yaabey,

 

balse Xaqiiqda haddii aan kaaga waramo laba Siyaabood ayey ku yimaaadeen Magacayadaasi mid waa Dadkii Soomaaliyeed ee Muddada dheer naga maqnaa oo la soo laabtey Dhaqamadii ay kala yimaadeen Wadamadii ay tageen , mida kale markii uu dhacay Weerarkii Mareykanka ee 11-kii September 2001 waxay Wadamada islaamka ay ka carareen Magacyadii islaamka uu lahaa ama Dhaqanka ay u lahaayeen iyagoo ka cabsanya in lagu Shabadeeyo waxa ay reer Galbeedka u yaqaanaan Argagixisada marka haddii Hotelkaada ama Shirkadaada ay wadato Magac Shisheeye waxay dadka qaar qabaan in Hoteeladooda ama Shirkadahooda ka Badbaadayaan Reer Galbeed ama ay helayaan Macaamil fara badan oo Shisheeye ah.

 

Hase yeeshee taasi waa u Aqoon Xumo Soomaalida waxay Tiraahdaan “Dhar Aadan lahayn Dhaxan kaama Celiyo” aan sida kale u dhigno Abwaanadeena ayaa hore u yiri” Af Qalaad Aqoon Miyaa” marka waxaan leeyahay Ummada Soomaaliyeed yeysan ka tagin Dhaqankooda Suubanaa iyo Magacyada Wanaagsan ee Islaamku siiyey hana joojiyaan Raali gelinta ama Qancinta reer Galbeedka.

 

Wadamada Yurub ee aan Afkooda Xayeysiineyno iyaga ma qaadan karaan Magacyadeena ? Sua’aashaas Jawaabteeda waa maya marka ma waxaad weydey in Hotelkaada aad u bixiso Magacayadii ay ay lahaayeenn GeesIyaasheennii ee Qadarinta naga mudan , Magacyada kale ee aadka u Qurxoon ee Afkeenna Hodanka ah ee Miyi iyo Magaalo aad ka haleysid sidoo kale Magacyada Islaamka ee aadka u Wanaagsan marka aad u Carareysid Magacyo ama Af kale dad kale ay leeyihiin kuwaada ayaa ku faani kartaa oo aad ku yeelan kartaa Sharaf iyo Qadarin.

 

Maqaalka aan ugu Magacdarey “Hoteladu Tira Badanaa oo Magacyo Xumaa “ Haddii aan fiirino waxaa Hoteladaas oo markii hore Mgacayo Xumaa ,hadana waxaa ku Hoose Duugaan Dhaqan Xumo kale waxaa Hotelada Qaar lagu Cabaa Balwada loo yaqaan (Badeeco) ama( Shiishad ) waa Balwad la Dhuuqo waxayna Asal ahaan ka timid Wadamada Shisheeye waxaana Hotelada Qaar ay sameeyeen meelo lagu Cabo ,mar aan weydiiyey mid ka mid Dadka Caba Badeecadaasi ayaa yiri “Guryaheena kuma Cabi karo oo reerkeenna ayaa Cabsanayaa ,marka Hotelada ayaa noo fududeyey waliba Rag iyo Dumar qaarkood way wada Dhuuqaan waana mid si aad ah ugu soo kordheysa Dalka .marka waa dhaqan Xumo ku soo biirtey Wadanka “

 

“Markii hore Qaadka ayaa ku dhibaneyn hadana waxaa la keeney Bahal la Dhuuqayo oo ka Kharash badan Qaadka marka lacagtii Wadanka uu lahaa ayaa ku Badelaneynaa Qashin iyo wax aan faaiido lahayn , waa dad aan marnaba fahameyn waxa Dhibaatada ugu jirto waana Dad ku jira nolol Qar iska Tuurnimo ah ,waxaana ku talinayaa in Shacabka ay u Guntadaan sidii aan uga hortagi lahayn Dhaqamadaas Xun Xun ee Wadanka ku soo badanaya “ayuu yiri nin Odey oo si aad uga Careysan Dhaqmadaas laga soo min Guuriyey Dibadda ,Waxaana Xaqiiqo ah in Hotelkii qaatey Magac Shisheeye uu keenayo in uu Fuliyo Dhaqankoodii Guracnaa . isku soo duuboo Ma Xuma in Hotelo la sameeyo hadana waxaa Haboon in Hotelada Noqdaan kuwa ku Shaqeeya Dhaqanka wanaagsan ee Islaamka noo jideeyey taasoo aan ku gaari karno Nolol Wanaagsan oo ku Tiirsan mid Adduun iyo mid Aakhiro.

 

 

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Comments are closed.