Xildhibaannadii Ku Sugnaa Jowhar Oo Soo Gebagebeeyey Socdaalkoodii Gobolka Shabeelada Dhexe

xeydar March 29, 2013 Comments Off
Xildhibaannadii Ku Sugnaa Jowhar Oo Soo Gebagebeeyey Socdaalkoodii Gobolka Shabeelada Dhexe

Xildhibaannadii Baarlamaanka ee ku suganaa magaalada Jowhar ayaa soo gebagebeeyey maanta guud ahaanba socdaalkii ay ku joogeen gobolka Shabeelada Dhexe.

 

Xildhibaannadan oo tiradoodu ay gaareyso 16 Xildhibaan ayaa waxaa socdaalkoodii ay kusoo gebagebeeyeen degmada Balcad oo gobolkaasi Shabeelada Dhexe ka tirsan ayadoo Balcadna Xildhibaannada loogu sameeyey munaasabad sagootin ah oo ay kasoo qeybgaleen waxgarad, mas’uuliyiinta maamulka degmada Balcad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi.

 

Munaasabadda ayaa waxaa hadal ka jeediyey qaar ka mid ah waxgaradka degmada Balcad oo iyagu Xildhibaannada ku ammaanay sida ay u gudanayaan waajibaadkooda Qaran maadaama ay u kuurgalayaan xaalada ay ku suganyihiin dadkooda.

 

Gudoomiyaha maamulka degmada Balcad Mudane Cismaan Maxamed Xaadoole oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa Xildhibaannada ku booriyey iney Dowladda dhexe soo gaarsiiyaan baahida ay gobollada kasoo ururiyeen isagoo si gaar ahna ugu booriyey in laga shaqeeyo sidii dib loogu howlgelin lahaa Warshadii dharka Balcad oo ah warshadda kaliya ee ka badbaaday bur burkii ayadoo munaasabadda sagootinta ahna loogu qabtay xarunta Warshadda dharka Balcad.

 

Xildhibaan C/laahi Axmed Digaab (Coonka ) oo Munaasabadda khudbad ka jeediyay ayaa ka codsaday maamulka KMG ee degmada Balcad iyo kan gobolka Shabeelada Dhexeba iney xubnaha maamulka kaalin uga ogolaadaan shacabka Beeraleyda iyo inay wax weyn ka qabtaan dhanka Amaanka gobolka Sh/Dhexe .

Socdaalka ay Xildhibaannada Baarlamaanka ay ku tageen gobolka Shabeelada Dhexe ayaa qeyb ka ah socdaallo guud oo ay Mudanayaasha Baarlamaanka ku kala bixinayeen gobollada Dalka ayadoo qorshaha Baarlamaankana uu yahay in xildhibaan walba uu tago deegaanka uu kasoo jeedo si uu ugu soo gudbiyo Dowladda dhexe baahida dhabta ah ee ay qabaan dadka uu matalo.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.