Warar is khilaafsan oo ka soo baxaya Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo socdaal ku jooga magaaalada Jowhar

xeydar March 28, 2013 Comments Off
Warar is khilaafsan oo ka soo baxaya Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo socdaal ku jooga magaaalada Jowhar

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe iyagoo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaana la sheegay in u jeedka safarkoodu uu yahay u kuurgalida xaaladaha gobolka shabeelaha dhexe.

Xildhibaanada oo ay horkacayeen maamulka gobolka Sh/dhexe oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Cabdi Jiinow Calasow iyo kuxigeenadiisa ayaa safar dhanka dhulka ah ku gaaray magaalada Jowhar, waxayna wafdigaasi xildhibaanada ahi intii aysan gudaha u galin magaalada Jowhar ay ku hakeed deegaanka Koongo oo 6km u jirtay magaalada halkaas oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada dowlada Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa kulamo la qaatay maamulka gobolka shabeelaha dhexe iyo waxgaradka iyo bulshada gobolkaas waxaana la filayaa inay u kuurgalaan xaaladaha nololeed ee ay ku sugan yihiin shacabka gobolka oo muddo dheer soo maray maamulo kala duwan,waxaana xusid mudan in magaaladaaasi ay 10 sano gudahood ay soo mareen illa 5 maamul oo awoodda gobolka siyaabo kala duwan ula kala wareegay, waftiga xildhibaanada ee gaaray magaalada Jowhar ayaa waxaa la tilmaamayaa iney horu dhac u yihiin wafti ka socda xukuumada oo lagu wado iney magaaladaasi gaaraan dhawaaan,masuuliyiinta dowlada iyo xildhibaanada ayaa safaro ku kala bixiyey gobolada dalka iyagoona raadinaya kasbashada taageerada shacabka dalka.

Booqashadan oo ah tii u horeysay ee Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo jeeda Gobolka ku tagaan Jowhar ayaa waxay qeyb ka tahay sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaalada ammaan iyo mid bulsho ee ka jirta gobolka, Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Shabellaha Dhexe Yuusuf Cabdi Cabdulle {Yuusuf Jaalle} ayaa u sheegay warbaahinta in Xildhibaanada si heer sare ah loogu soo dhoweeyay, isla markaana dadweyne fara badan ay ugu hor-yimaadeen deegaanka Congo oo qiyaasti u jira ilaa 7-KM.

“Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo jeeda Gobolka, shalay ayay Muqdisho safar dhulka uga soo baxeen, waxay soo mareen Balcad ilaa deegaanada u dhaxeeya Jowhar, si weyn ayaa loo soo dhoweeyay”ayuu yiri Mr Yuusuf Jaalle.

Ammaanka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana lagu soo waramayaa in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ka qeyb qaadanayaan sugida ammaanka magaalada iyo daafaheeda, waa tiradii ugu badneyd ee Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ay gaaraan magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe, tan iyo markii 9-kii December ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Xoogaga Al-Shabaab oo muddo saddex sano maamulayay.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.