Wararka laga hellayo magaalada Gaaris ee gobollka W/bari dalka Kenya ayaa sheegay in rag hubeysan ay ku dilleen magaaladaasi labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dalka Kenya, dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay rag ku hubeysnaa bastoolado ku toogteen bartamaha magaalada Gaarissa labo askari oo ka tirsanaa ciidamada sirdoonka dowladda Kenya, kuwaas oo la sheegay inay isla goobtii ku dhinteen.
Sida warku sheegayo Kooxihii dilka geystay ayaa markiiba goobta isaga baxsaday waxaana markiiba soo gaaray goobtii uu dilku ka dhacay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya kuwaas oo halkaasi ka bilaabay baaritaano la xiriira sidii ay ku heli lahaayeen kooxihii dilka ka dambeeyay inkastoo aan la sheegin cid ay dilkaasi u qabteen.
Bilihii ugu danbeeyayba gobollka W/bari dalka Kenya waxaa ka jiray dilal iyo waliba qaraxyo lagu beegsanayo saraakiisha iyo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Kenya, waxayna inta badan saraakiisha ciidamada Kenya ay falalkaasi ku eedeeyaa inay ka dambeeyaan Al-shabaab.ilaa iyo haddana ma jirto cid sheegatay dilka loo geystay askartaasi.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.