Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo shalay gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa kulan la qaatay saraakiisha maamulka KMG ah ee magaalada oo uu hoggaaminayay Axmed Maxamed (Madoobe)iyo kuwa ciidamada, kulanka oo ay ra’iisul wasaaraha ku wehelliyeen xubno ka tirsan golahiisa wasiirrada oo horay Kismaayo ugu sugnaa ayaa looga hadlay sidii loo dar-dargelin lahaa sugidda amniga magaalada Kismaayo iyo qaabaynta maamulka, iyadoo labada dhinac ay iswaydaarsadeen fikrado.
Ra’iisal wasaare Saacid oo markii uu soo gabagaboobay kulanka la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ku farxeen soo dhaweynta reer Kismaayo, isaga oo u mahadceliyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM sidii ay isaga kaashadeen sugidda amniga, “Runtii waxaa ii muuqatay in dadku ay doonayaan dowladdooda, raalina ka yihiin, waana uga mahadcelineynaa sida diirran ee ay noo soo dhoweeyeen” ayuu yiri ra’uusul wasaaraha oo xusay in booqashadan ay qayb ka tahay booqashooyin uu ku kala bixinayay gobollada dalka.
“Reer Kismaayo waxay safka hore kaga jiraan dadka jecel dowladnimada” ayuu Saacid hadalkiisa raaciyay, Axmed Madoobe oo ah guddoomiyaha maamulka KMG ah ee Kismaayo ayaa isna sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashada wafdigan ballaaran ee ka kooban wasiirada, xildhibaannada iyo saraakiisha, “Aadbaan ugu faraxsanahay imaatinka wafdiga Ra’isul wasaaraha waana soo dhaweyneynaa isaga iyo madaxda kale ee sharafta leh ee la socota, waxaana leenahay ku soo dhowaada Kismaayo” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Ra’iisul wasaaraha iyo wafdiga ayaa inta ay joogaan magaalada Kismaayo waxay kulamo is daba joog ah la qaadan doonaan maamulka magaalada iyo qaybaha kale ee bulshada Kismaayo..sidoo kalena ra,iisulwasaaraha ayaa la kulmay saraakiisha hoggaamisa ciidamada iyo qeybo kale oo ka tirsan waxgarad ka tirsan kuwa gobolka J/hoose
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.