Faahfaahin ku saabsan safarka Ra’isul wasaaraha Somalia uu ku joogo Kismaayo

xeydar March 26, 2013 Comments Off
Faahfaahin ku saabsan safarka Ra’isul wasaaraha Somalia uu ku joogo Kismaayo

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen madaxda maamulka KMG ah ee ka arrimiya magaaladaas, wasiirro, xildhibaanno iyo dadweyne fara badan.

Ra’isul wasaaraha ayaa la sheegayaa in qorshaha socdaalkiisa Kismaayo ay tahay sidii uu ugala hadli lahaa madaxda maamulka ku-meel-gaarka ah ee magaalada Kismaayo inay ka amar qaataan dowladda Soomaaliya, sidoo kalena shirka lagu dhisayo maamulka Jubbada Hoose ay dowladda uga dambeeyaan.

Sidoo kale wuxuu kala hadlayaa in ciidamadooda oo haatan Maleeshiyaad ah ay qarameeyaan dowladdana ku soo biiriyaan, taasoo dhowr mar lagala hadlay maamulka magaalada Kismaayo.

Waxaa Ra’sul wasaaraha magaalada Kismaayo uga sii horreeyay wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa iyo xildhibaanno ka tirsan baarlmaanka kuwaasoo safarkiisa u sii gogol xaarayay, iyadoo magaaladana bandow lagu soo rogay, ammaankana si aad ah loo adkeeyay.

Taliyaha ciidamada amniga Kismaayo Maxamuud Qaalib ayaa sheegay in laga billaabo 6:00 aroornimo ilaa 12:00 duhurnimo ay magaalada bandow tahay isagoo sheegay in sababta bandowga ay tahay in laga hortagayo in ay dhacaan falal nabadgelyo-darro inta uu Kismaayo joogo Ra’isul wasaaraha.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.