Wasiiradda hormarinta iyo adeega Bulshada oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho

xeydar March 24, 2013 Comments Off
Wasiiradda hormarinta iyo adeega Bulshada oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho

Wasiirka horumarinta iyo adeega bulshada Drs. Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta dalka dib ugu soo laabatay ka dib markii laba todobaad socdaal shaqo ku soo kala bixisay dalalka Denmark, Swiidhan iyo UK


soo dhaweyn heer sare loo agaasimay oo ay ka qeybqaateen Wasiiro uu hor kacayay Wasiirka Qeyraadka Xukuumada Soomaaliya mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Agaasimayaal iyo dadweydne aad u badan ayaa garoonka diyaaradaha Adan Cade uga hortagay wasiiradda si ay ugu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho.

Markii ay ka soo dagtay garoonka ayaa waxa ay la hadashay warbaahinta waxa ayna sheegtay in mudadii ay ku maqneed qaar ka mid ah dalalka Yurub ay kulamo la qaadatay madaxda dowladaha Denmark iyo UK ayna kala hadashay hormarinta waxbarashada dalka Soomaaliya. ” waxaa inoo suura gashay in uu guuleysto ka dhaadhicinta Kaambeyn ka u raadinta malyan arday soomaaliyeed waxbarasho lacag la’aan ah” sidaana waxaa tiri wasiirada Maryan Qaasim.


Waxana ugu dambeyntii intaa ay ku dartay wasiirka in ay ka qeyb gashay kulan looga hadlay arrimaha tacliinta sare oo ay la qaadatay madaxdii kulankaasi ka qayb gashay

Waxa ayna intaasi ku dartay in ay balan qaad ka heshay mas’uuliyiintii ay kulamada la soo qaadatay iyagoona u balan qaaday in ay si buuxdo dowladda Soomaaliya uga tageerayaan waxbarashada.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.