Cayaarihii dhacay Jimcihii 22/03/2013 iyo tartanka Koobka Marxuum SULEYMAAN COLAAD ROOBLE.

xeydar March 24, 2013 Comments Off
Cayaarihii dhacay Jimcihii 22/03/2013 iyo tartanka Koobka Marxuum SULEYMAAN COLAAD ROOBLE.

Barbaartii Waaberi iyo Azuura oo khadka ka wada saaray Gumeysidiid iyo WebiShabeelle, Baanow oo baashaaliyay Markacadeey, Iftiinka Caneykish oo dhulka geliyay rajadii Kandara.
Cayaaro ka tirsan tartanka Koobka Marxuum Suleymaan Colaad Rooble ayaa ka dhacay Garoonka Altaraji ee xaafadda Sharafiyah, iyadoo ay is wada arkeen kooxaha Baanow, Markacadeey, Azuura, Webishabeelle, Waaberi, Gumeysidiid, Kandara, iyo Iftiinka Caneykish.
Cayaartii ugu horeysay ayaa dhexmartay kooxaha Waaberi Vs. Gumeysidiid, waxay ahayd ciyaar ay kooxda Waaberi si weyn ugu soo tabaabusheysatay, iyadoo kusoo gashay dardar xoogan oo laga garan karey goolasha isdaba jooga ah ee ay kusoo gabagabeeyeen ciyaarta gelinkeedii hore oo gaaray 4 – 1.


Gelinkii dambe ee ciyaarta ayaa wax weyn iska bedelay hanaankii labada kooxood waxayna kusoo gabagabowday 6 gool iyo Gool ay kooxda Waaberi kuguuleysatay.
Cayaartii labaad ayaa iyana dhexmartay kooxaha Baanow Vs. Markacadeey.
Kooxda Baanow oo guuldaro kala kulantay ciyaartii Jimcihii lasoo dhaafay ayaa ahayd koox si weyn ugu soo diyaar garowday ciyaartii maanta, waxayna ahayd koox ku ciyaareysay qaab weerar ah.
Cayaarta gelinkeedii hore ayay labada kooxood waxba isla mari waayeen oo kusoo gabagabowday 0 – 0. Haseyeeshee gelinkii labaad ee ciyaarta ayay kooxda Baanow wax ka bedeshay qaabkii ay ku ciyaareysay waxaana u suura gashay inay laba gool oo qurux badan ka dhaliyaan dhalintii Markacadeey, oo iyana ciyaarta daqiiqadii u dambeysay gool wacan la helay shabaqii reer Baanow.
Waxay ciyaarta ku dhamaatay 2 – 1 oo ay kooxda Baanow ugu awood sheegatay kooxdii Markacadeey.
Cayaartii saddexaad ayaa iyana dhexmartay kooxaha Kandara iyo Iftiinka Caneykish.
Kooxda Kandara ayaa ciyaartii jimcihii hore dhib la’aan ku aruursatay dhibcihii ka dhaxeeyay iyada iyo Fc_Royal, taasina waxay keentay inay isdhigtaan oo ay shabaqooda u furaan kooxda Iftiinka Caneykish oo laba jeer gaartay goolkooda.


Kooxda Iftiinka Caneykish ayaa si fudud gelinkii dambe ee ciyaarta uga badisay kooxda Kandara iyadoo ay ugu awood sheegatay 2 gool iyo Gool.
Cayaar afaraad ayaa iyana ka dhacday garoonka Sharafiyah iyadoo ay iswada arkeen kooxaha Azuura iyo Webishabeelle, ciyaartan ayaa ahayd mid ka baaqatay Jimcihii hore iyadoo loo soo hormariyay Jimcahan ayaa waxay labada kooxood kusoo galeen feejignaan iyo difaacyo adag oo labada kooxood u diiday inay goolka gaaraan rubuc saacii ugu horeeyay ee ciyaarta.
Waxay ciyaartu socotoba waxaa kooxda Azuura ay si weyn wax uga bedeshay hanaankii ay ku ciyaareysay waxayna si naxariis la’aan ah u gaareen goolka Webishabeelle 3 Jeer oo isxigxigta taasi oo ay cayaarta kusoo afjareen gelinkeedii hore 3 – 0.


Kolkii la isugu soo noqday cayaarta ayay hadan saddex gool oo kale la heleen Goolhaye Cabdow oo aan la weydiin karin qaabkii ay ku dhasheen goolashaasi, iyadoo ay difaacoodu noqdeen kuwo si sahal ah lagu soo gudbo, waxayna cayaarta kusoo gabagabowday 6 – 1 oo ay Azuura ugu miir celisay kooxda WebiShabeelle.
Jimcihii hore ayaa iyana ciyaaray kooxaha:
Markacadeey Vs. Iftiinka Gacameey oo ku dhamaatay 2 – 2 .
Waaberi Vs. Daallo 0 – 0
Kandara Vs. Fc_Royal 3 – 0 oo ay forfaith ku qaateen KANDARA.
Waxaa diyaariyay:

Maxamuud Sheekh Cabdulqaadir “diyeeshe”
diyeeshe@hotmail.com

Comments are closed.