Tayada nololeed ee magaalada Muqdisho oo soo hagaagaysa ka dib markii Nabad ka soo Bidhaantay magaalada, ayey Qurba–joogta beelaha jareerweyne ee dalka Mareykanka u soo dirsadeen sahan Aqoonyahan u dhashay beelaha jareerweyne oo Muqdisho ku soo laabtay maqnaansho dheer kadib.
Haddaba si aan wax uga ogaanno Sahanka uu ku yimid magaalada muqdisho ayaa waxaa Jiinwabi News (JWN) u suurto gashay in uu wareysi dhinacyo badan taabanaya la yeesho Md. Cusmaan Xussen Xaaji oo ah aqoonyahan ku takhasusay cilmiga Arrimaha Bulshada iyo xalinta qilaafaadka
Mudane Cusnman Xaaji oo degan dalka Mareykanka dibna uga soo laabtay Soomaaliya waxa uu wareysigan si qoto dheer oo ku dhisan aqoon iyo waaayo-aragnimo durugsan ugu faahfaahinayaa xaaladda ay ku sugan tahay Muqdisho caasimada Soomaaliya.
Haddaba wareysigii uu Jiinwabi.net la yeeshay aqoonyahanku waxa uu u dhacay sidan:
Jiinwabi.net (JWN): Mudane Cusman Xaji marka hore waad ku mahadsan tahay fursadda aad noo siisay inaan kula yeelanno wareysigan. Waxaan ku leennahay ku soo dhawaw Shabakada Jiinwabi.net
Cusman Xaji : Waan dhawahay, idinkuna waad ku mahadsan tihiin fursadda aad i siiseen.
JWN: Marka hore waxaan jecelnahay bal inaad guud mar kooban naga siiso taariikh nololeedkaaga?
Cusman Xaji : Haddaan si kooban uga jawaabo su’aashaan, waxaan ku dhashay gobolka jubada Hoose sannadku markuu ahaa 1980. Halkaas oo aan ku dhammeystay dugsiga hoose. Waxbarashadayda inteeda kale waxaan ku qaatay dalka Mareykanka. Soomaaliya waxaan ka maqanahay mudo 22 sano ah.
Cusman Xaji : Maadaama aad qurbo soo joogtay maxay tahay xirfada aad wadato oo aad ka soo baratay Mareykanka?
Waa su ‘aal aad u wanaagsan waxaan ahay Aqoonyahan Jaamici ah oo wata Shahaado muctarif ah waxaan soo bartay Sharciga iyo Arrimha Bulshada , waxaan ku soo taqasusay xalinta qilaafaadka oo aan doonayo in aan dalkayga hooyo wax ugu qabto Aqoonta iyo cilmiga aan ka soo bartay Qurbaha.
JWN: Mahadsanid Cusman Xaji. Haddii aan sii gudo galno wareysiga waxaa jirta in muddo labaatan sano ah aad ka maqneyd Muqdisho hadaba Maxaad ku fekereysaa inaad ku soo kordhiso mustaqbalka Somaliya iyo magaalada Muqdisho?
Cusman Xaji : Waxaa igu dhaliyay in aan ku soo dhiirado ku laabashada Muqdisho helow iyo Nabada ka bilaabatay caasimada oo aan maqlay taas ayaaigu dhalisay in aan soo aado muqdisho, waxaana doonayaa in aan Xog ka ururiyo nabada iyo isbadalka ka bilowday Soomaaliya taas oo aan doonayo in ay Qurba joogta Soomaalida ee ku sugan Mareykanka ay ku soo aadaan Dalkooda Hooyo.
Markii ugu horraysay waxaan ka welwlsanaa soo noqoshada, waayo waxaa la ii sheegay in ay Muqdisho tahay meel aad halis u ah. Dadku waxay uun ka hadli jireen dil iyo amnigii oo si weyn meesha uga maqan balse Farxada waxay igu bilaabatay markii aan ka soo dagay garoonka diyaaradaha Adan Cade international Ari port oo ay ku qoran tahay ku soo dhawow dalkaaga hooyo. waxaan si nabad iyo farxad ku gaaray Hotelkii aan ka dagay magaalada muqdisho, halkaasi waxay ii siyaadisay farxadii maalintaas igu beerantay, shacabka Soomaaliyeed ee muqdisho ku dhaqan oo qaar kood hotelka u soo doonta cunto ayaa laga dareemeyn In ay soo dhex martay Colaad iyo Dagaalo toona, ayaga oo si wadajir ah u wada fadhiyaan kuraasta hotelka. Wadooyinka waxaad ku arkeysaa Ganacsi aad u socda, adiga oo aan dareemeynin waxa cabsi ku gelinaya ayaad ugu socdaali kartaaa xaafadaha iyo degmooyinka caasimada Soomaaliya.
JWN: Maxaad ugu baaqeysaa dad ama asxaabta aad kaga soo tagtay Mareykanka?
Cusman Xaji : Waxaan ugu baaqi lahaa in ay dib ugu soo laabtaan dalka ayna maal geshedaay guryahii ay ku lahaayeen xaafadaha magaalada muqdisho,cidii aan guryo ku laheyna hada ay kasoo gaaraan dib u dhiska ka socda magaalooyinka waa weyn gaar ahaan caasimada Muqdisho.
JWN: Mudane Cusman Xaaji aad baad ugu mahadsantahay macluumaadka tirada badan ee aad halkan kusoo gudbisay. Haddaba ugu dambeyntii maxaad kula talin lahayd Jaaliyada Soomaaliyeed haddii aad ku laabato Mareykanka?
Talooyin faro badan ayaan ka siin doonaa marka aan ku laabto Mareykanka Asxaab badan oo aan halkaasi ku leeyahay, waxaa ka mid ah in aysay islahey waxa warbaahinta laga sheegayo dhanka dhibaatoyinka muqdisho ka jira, balse waa ay jiraan wax yaabo yar yar oo dhacdo ah ee ku soo dhiirada imaatanka Caasimada Soomaaliya.
JWN : Aad baad u mahadsan tahay.
Cusman Xaji : Idinkaa mudan
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.