Kulan ka dhacay hooyga Wasiir Kaalmooy ee magaalada Muqdisho oo ay isugu yimaadeen Aqoonyahanada, Siyaasiyiinta , Oday Dhaqameedka iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Beelaha Jareerweyne ayaa waxay kaga tashadeen aayahooda mustaqbal iyaga, oo halkaas isku waydaarsaday fegrado iyo sidii ay usamaysan lahaayeen midnimadooda iyo isku xidhkooda guud ee Beelaha Jareerweyne.
Aqoonyahanada, Siyaasiyiinta , Oday Dhaqameedka, Dumar iyo Xildhibaanada isugu yimid kulanka ayaa waxay katashadeen sidii ay umidayn lahaayeen Shacabka kudhaqan Gobolada ay ka dagaan dalka Soomaaliya Beelaha Jareerweyne iyaga oo hiigsanaya yoolkooda fog iyo kandhawba.
Kulanka ay soo abaabuleen Aqoonyahano isku howlay isku keenista wax garadka Beelaha Jareerweyne ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiirka Howlaha Guud dib u dhiska Gaadiidka Badda Dekada iyo Tamarta Mudane H.E Muxyadiin Maxamed Kaalmoy oo ka aqbalay aqoonyahanada in gogosha isku imaatanka gurugiisa la fidiyo iyaga oo halkaas kasoo jeediyey hadalo qiiro leh.
isbarasho iyo isbaraarujin ka dib waxaa muxaadaro dhanka Diinta ka soo jeediyay mashaa’iqda ugu caansan beelaha Jareerweyne Sheekh Cabdulaahi Khaliif Bulaale iyo Sheekh Cali Ugaas Muxumed oo aad ugu dheeraaday qeymaha umadda ay ugu fadhido midnimada iyo cilmiga oo la barto.
Waxayna ku cel celiyeen halka ay ka liidato qowmiyada jareerweyne in ay tahay raadinta midnimada oo ah muqadis meel walba ay ka joogaan aduunka.
Ugu dambeytii waxaa soo gunaanaday kulanka wasiir kaalmooy oo aad ugu dheeraaday midnimada iyo wada shaqeynta qeymaha ay ugu fadhido siyaasiyiinta Beelaha Jareerweyne.
Wasiirka ayaa yiri “ wax ka badala sidan aad ku socotaan oo tafaraaruqa u badan yahay hadii aad rabtaan mustaqbal iyo horumargaar siinta Beelaha Jareerweyne waa in la isku tanaasulaa walaalyaal”
Wasiir kaalmooy oo ay qudbadiisu ka muuqatay Qiiro aad u badan ayaa ku soo gabagabeeyay in uu ku faraxsanyahay aragtida wajiyo ku cusub iyo kuwo mar hore ugu dambeyay in uu la kulmo.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.