Dowladda Yamen oo go’aamisay in muddo 48-saacadood ah dekadda Cadan looga saaro Maraakiibta Soomaaliya

xeydar March 21, 2013 Comments Off
Dowladda Yamen oo go’aamisay in muddo 48-saacadood ah dekadda Cadan looga saaro Maraakiibta Soomaaliya

Hay’adda maamusha dekedda magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa soo saartay go’aan ay ku amrayaan in mudo 48 saacadood ah Dekedda cadan looga saaro maraakiibta Soomaaliyeed ee dalkaasi Yamen yaala, arrintan go’aanka ah ayaa waxey hay’adda maamusha dekedda Cadan waxey ku wareejiyeen iyada oo qoraal ah Qunsulka Soomaaliya ee magaalada Cadan Axmed Suudaan kadib kulan qunsulka iyo madaxda hay’adaasi ku dhexmaray gudaha Dekadda.

 

Axmed Suudaan Qunsulka Soomaaliya ee Cadan oo kulanka ka hadlay ayaa waxa uu uga mahadceliyey gurmadka iyo dulqaadka ay muujiyeed mduadda dheer ee ay maraakiibta Soomaaliyeed ku xirnaayeedn dekada cadan ee dalka yemen .

 

Dhinacooda mas`uuiyiinta dekedda cadan ayaa sheegay inay tixgalinayaan duruufaha adage ee ay marayso soomaaliya, balse sida yiraahdeen ay khaatarta maanta jritaahi eek u saabsan dhibaatada ay dekeda ku yihiin maraakiibtaasi ay ka wayntahay tii hore , oo loo baahan yahay in dowladda soomaaliyeed ay badbaadiso maraakiibteeda mudada dheer ku xirnaa dekeda cadan iyo waliba isha dhaqaalaha dalka yemen , sababtoo ah bay yiraahdeen hadii ay maraakiibtan ku dagaan dekada waxaa dhibaato galin kartaa hawlihii dakeda Cadan oo dhan , sidaa awgeed waxay qoraal ay gacanta u galiyeed qunsulka ku xuseen in mudo 48 saacadood gudahood looga saaro afarta markab ee soomaalidu leedayahay gudaha dekeda caden inta aysan quusin.

 

Go`aanka hay`addaasi ayaa yimid ka gadaal markii markabka lagu magacaabo Cusmaan Geedi Raage uu hoos ka duleeshamay isla markaana ay biyo xowli ku socdaahina ay gudaha u soo galeen qarkana u saarmay inuu dago ama quuso , waxaana la dagi lahaa 3 da markab oo kale maadaama ay isku dhinac xiran yihiin .

 

Qunsulka ayaa u balan qaaday madaxda dekeda cadan in arintan ay dawlada soomaaliya xil iska saari doonto waxna ka qabanayso sida ugu dhaqsiyo badan , kana codsady ma`uuiyiinta yemen in ay muujiyaan dulqaad , hakiyaanna go`aankooda, iyagoo eegaya xaalada dalka soomaaliya, qunsulku waxaa kale oo uu sheegay inay dalbadeen ingneero ku takhsusay howlaha maraakiibta si ay isugu dayaan in markabkaasi biyuhu soogaleen loo badbaadin lahaa haddiiba uusan dalkooda ka hor uusan quusin ama uusan dagin markabkaasi.

 

by rashiid Xaydar

Comments are closed.