Alshabaab oo lagala wareegay Wareegay Magaalada Marka.

xeydar August 27, 2012 Comments Off
Alshabaab oo lagala wareegay Wareegay Magaalada Marka.

Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa goordhaw waxa ay la wareegeen Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose kadib duulaan ay maanta ku qaadeen.

Ciidamadan ayaana goordhaw galay Xarunta Sh/Hoose ee Marka waxaana lagu soo waramayaa in ay hada isku fidinayaan Magaaladaasi ayna galeen Xarumo dhoor ayh ay Al-Shabaab ku lahaayeen Magaaladaasi.

Dad goob joogayaal ah ayaa ku waramay in Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM la wareegeen Magaalada Marka kadib markii Al-Shabaab maanta faraujiyeen Degmadaasi.

AFhayeenka Ciidamada AMISOM Corneel Aadan Xaamud ayaa sheegay in si buuxda ula wareegeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Magaalada Marka goordhawna ay faah faahin dheeraad ah ka bixin doonaan.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa hada isku fidinaya Magaalada Marka iyadoona taageerayaashii AL-Shabaab iyo ciidamadooda intooda badneed magaalada ka baxeen ayna aadeen Dhinaca Buulo Mareer iyo Baraawe.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.