Sida ay daabaceen qar ka mid ah warbaahinta maamulka Somaliland waxaa muddo kooban lagu xiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya C/shakuur Cali Mire, halkaas oo diyaaraddii uu saarnaa wasiirku ay Transit ku aheyd, waxaana la sheegay in ciidamada amaanka Somaliland ay xanibeen wasiirka muddo saacado ah, isla markaasna ku xiray xabsiga garoonka dhexdiisa ah.
Sida warku sheegayo wasiir ku xigeenka ayaa markii uu diyaaradda ka soo degay ciidamada ku sugan garoonka ay qabteen, isla markaasna ay xireen, iyadoo markii dambe wadahadalo ka dib la sii daayey, isla markaana diyaaradii uu la socday uu dib u soo raacay.
Dhinaca kale wasiir ku xigeenka oo arrintaasi ka hadlay shalay ayaa sheegay inay tahay waxba kama jiraan iyo been la dhoodhoobay sida uu yiri in la xiray, wuxuuna intaasi ku daray inuu aad ula yaabay markii uu maqlay warkaasi oo qaar kamid ah warbaahinta ay sheegayso, wasiirk ku xigeenka wasaarahadda warfaafinta boosta iyo isgaarsiinta ee dowladda federaalka Soomaaliya waxaa kale oo uu sheegay in Safarkiisa uu ku yimid dalka uusan aheyn mid uu soo maray Airporka magaalada Berbera, isagoo sheegay inuu ka yimid dhanka dalka Kenya uusanna marna tagin magaalada Berbera iyo garookeeda.
Warbaahinta maamulka Somaliland ayaa sheegay in ninka la xiray uu yahay afhayeenka Madaxweyna Soomaaliya oo lagu magacaabo C/shakuur, halka kuwo kale ay sheegeen inuu yahay afhayeenka Ra’isul wasaaraha Soomaaliya, waxayna intaasi ku dareen in markii hore loo dhaadhiciyey xabsi ku yaala magalada Hargeysa, balse sida ay sheegeen wadahadal kadib la siidaayey.
Somaliland ayaa waxaa ka mamnuuc ah dadka xilalka ka haya dowladda Soomaaliya, iyadoo siyaasiyiinta deegaanadeeda ka soo jeeda ee ku jira dowladda Soomaaliya ay ka soo saartay amar ah in aysan imaan karin deegaanadeeda.waxaana xusid mudan in xildhibaan ka tirsan baarlamaaka soomaaliya uu muddo dhowr maamood ah u xirnaa ciidamada ammaanka ee maamulkaasi kadib markii laga qabtay degmada Gabiley halkaas oo uu ugu tagay qoyskiisa xilligii uu baarlamaanku fasaxa ku jiray.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.