Al-shabaab oo kufaanay in ay Ciidamada Ethiopia ku qasbeen kabixitakoodii Xudur.

xeydar March 17, 2013 Comments Off
Al-shabaab oo kufaanay in ay Ciidamada Ethiopia ku qasbeen kabixitakoodii Xudur.

Ninka u qaabishan kooxda Shabaab gobalada Baay iyo Bakool ee Koofurta Soomaaliya, ayaa waxa uu aad ugu faanay in ciidamada Ethiopia ay ku qasbeen in ay isaga hulelaan Xudur kadib markii ay go’doomiyeen oo ay ku dhibtoodeen helitaankoda Zaadka.

 

Sheekh Mahad Cabdi Kariim, gudoomiyaha Shabaab ee Baay iyo Bakool ayaa waxa uu yiri, “Waan go’doominay muddo sanad ah. Waxa ay waayeen meel ay sahayda si nabad ah uga soo gudubsadaan. Nolosha ayaan cariiri ku gelinnay ciidamda Xabashada taas ayaana ku qasabtay in ay kabaxaan maagalada Xudur ee Wilaayasha Bakool”.

 

Faanka Mahad ayaa waxa uu imaanayaa iyada oo Xudur ay isu baneeyen Itoobiyaanka iyo Shabaab oo wax dagaal ah aysan ka dhicin.

 

Xudur waxaa kale oo iyana ka baxay markii ay arkeen Ethiopian-ka oo baxaya maamulkii dowlada Soomaaliya oo markii horaba ku joogay awooda Ethiopia.

 

Xudur waa magaaladii ugu horeysay ee taariikhda dhaw ku soo noqotay gacanta Shabaab, waxaana arintasi ay dhabar jab ku tahay daadaalada dowlada Soomaaliya ay ku dooneyso in ay Al-shababa ku wiiqdo lamana garanayo sida ay AMISOM iyo dowlada Soomaliya uga fal celi doonaan bixitaanka ciidamda Ethiopia oo iyagu magaalada ay doonaan taga tii ay doonnana kabaxa.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.