Weriye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim (Koronto) oo loo heystay wareysi uu ka qaaday haweeney sheegtay in la kufsaday ayaa maanta dib u helay xorriyaddiisa kaddib markii maxkamadda sare ee dalka ay amar ku bixisay sii-deyntiisa.
Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya, Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf ayaa sheegay in dambi baarayaashii ku lugta lahaa dacwadda loo haystay weriyaha ay marin-habaabiyeen maxkamadda.
Koronto oo ka tirsan idaacadda Dalsan ee Muqdisho waxaa la xiray 10-kii January, 2013 kaddib markii warbaahinta gudaha iyo caalamka ay tebiyeen warbixinno la xiriira tacaddiyo ka dhanka ah haweenka ku jira xeryaha dadka barakacay ee magaalada Muqdisho.
Horraantii January, telefishinka Universal iyo bogga Al Jazeera ayaa si gooni gooni ah u daabacay warbixinno ku saabsan eedo loo jeediyay ciidanka ammaanka Soomaaliya oo ku saabsan kufsi ka dhacay qaar ka tirsan xeryaha dadka barakacay ee ku yaalla magaalada Muqdisho.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.