Waxaa taariikhdu markey aheyd 15/03/2013 si rasmi ah loogu qabtey xarunta Jaaliyadaha ee magaalada Jeddah Boqortooyada sacuudi carabiya Xafladii ama Munaasabadii qorituuka ee Koobkii Koobabka ee Jeneraal Daa’uud ee sanadkan 2013 waxaana Koobkan ka soo qeyb galey 24 kooxood iyadoo loo qebiyey 4 qeybood ama ( 4 Group ) oo qeybtii ay ku jiraan 6 koox.
Xafladaasoo ay soo agaasimeen ama ay soo Qabanqaabiyeen Maamulka Xiriirka Kubbadda Cagta ee Jaaliyadda Soomaaliyeed Magaalada Jedda iyo Bahda Wacyigelinta ee Jaaliyada Soomaaliyeed e magaalada Jedda, waxaa halkaasi khudbado ka soo jeediyey Mas’uuliyiinta Maamulka Xiriirka Kubadda cagta iyo Mas’uuliyiinta Wacyigelinta sidoo kale waxaa halkaasi goob joog ka ahaa dhamaan kooxihii 24ka ahaa ee ka qeybqaadanaayey Tartankan koobka Jeneral daa’uud 2013, kuwaasi oo kala ah:
Jubba Airweys – Somali Fruit – Banaadir – Jowhar FC – Midnimo – Xidigaha Kakane – madino stars – Lafoole – SYL – Dharkanley – Howlwadaag – Iftin Star – Dekedaha – Sharbatle Ajakis – Xamarjajab – Batroolka – Olypic – Fc Alba – KPP – Halgan – Boondheere – Bakool – Jowhar United.
Ciyaarta Furitaanka ee koobka Jeneral Daa’uud ayaa waxaa nasiib u yeeshay Kooxaha Jubba Airways iyo Somali Fruit, waxaa munaasabada qorituurka goob joog ka ahaa warbaahinta Soomaaliyeed ee uu ugu horeeyo TV-ga Qaranka SNTV iyo Home Cable TV.
Guddoomiyaha Maamulka Xiriirka kubbadda cagta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jeddah Md. Maxamed Aweys axmed (Jedsomsport@hotmail.com) (Jedsomsport@gmail.com).
Waxaa diyaariyay:
Maxamuud Sheekh Cabdulqaadir “diyeeshe”
diyeeshe@hotmail.com
Comments are closed.