YEMEN AIRWAYS OO DUULIMAADYADEEDA KA BILAABI DOONTA SOOMAALIYA

xeydar March 16, 2013 Comments Off
YEMEN AIRWAYS OO DUULIMAADYADEEDA KA BILAABI DOONTA SOOMAALIYA

Diyaarada Yemen Airways ayaa waxa lagu wadaa in dhawaan ay ka howl bilowdo magaalada Muqdisho sida ay sheegeen mas’uuliyiinta diyaarada, ka dib wafdi ka socda dalka yeman oo muqdisho soo gaaray.

Wafdigani ayaa waxaa ay kulan la qaateen wasiirka wasaarada warfaafinta, isgaarsiinta, gaadiidka cirka iyo dhulka ee xukuumada Soomaaliya Cabdulaahi Ciil-Mooge Xirsi.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska wasiirka war faafinta ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta si wada jir ah ula hadlay wasiirka war faafinta xukuumada Soomaaliya Cabdulaahi Ciil-Mooge Xirsi iyo Muxsin Cali Xaydar oo ka mid ah mas’uuliyiinta diyaarada Yemen Airways

Cabdulaahi Ciil-Mooge Xirsi ayaa sheegay in dowlada ay soo dhaweynayo diyaarada Yemen Airways in ay ka howl bilowdo Soomaaliya, Isagoona tilmaamay in dadaal dheer ay dowlada Soomaaliya u gashay sidii diyaarado badan oo caalami ah ay kaga howl geli lahaayeen soomaaliya.

Muxsin Cali Xaydar oo ka tirsan mas’uuliyiinta Yemen Airways ayaa isna sheegay in garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ay ku arkeen howl wanaagsan oo ka socta, isla markaana diyaaradooda ay dhawaan ka howl geli doonto Soomaaliya.
Diyaarada Yemen Airways ayaa waxa ay ka mid tahay diyaaradaha caalamiga ah oo aan in mudo ah ka howl gelin magaalada muqdisho wallow mas’uuliyiinta diyaarada aysan si rasmi ah u carabaabin xiliga ay howlgaleyso, ayadoona ay xusid mudan tahay in magaalada muqdisho ay horey uga howl bilowday Turkish Airline oo kamid ah diyaaradaha Caalamiga ah.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.