Golaha Salaadiinta Soomaaliyeed gudigiisa fulinta iyo xubnaha golaha oo wada jira ayaa maanta bilaabay socdaalkii ugu horeeyay oo ay ku baahinayaan Nabad ku wada noolaashaya shabacka ku dhaqab Gobolka Shabelada Hoose.
masuuliyiinta Golaha Salaadiinta Soomaaliyeed oo uu hor kacaya goddoomiyaha golaha Boraq Inj Faarax Cabdi Gure ayaa gaaray degmada Afgooye kadib markii ay ka heleen casuumaad iyo wada shaqayn maamulka G/SH/Hoose ee degmada Afooye iyo golaha guurtida deegaanka Afgooye.
madashii lagu soo dhaweeyay madaxda Golaha Salaadiinta Soomaaliyeed oo ay soo qabanqaabiyeed Golaha Gurtida degmada Afgooye ayuu ugu horeyntii ka hadlay guddoomiyaha guurtida degmada Afgooye Nabadoon Maxamuud Axmed Culisow waxuuna sheegay ” waxaan soo dhaweynayaa fekerka Baahinta Nabadeynta oo ay sidaan mas’uuliyiinta ugu sareyasa Golaha Salaadiinta Soomaaliyeed, waxaan balan qaadeynaa wada shaqeyn oo aan ku gaarsiineyno baahinta nabada Caasimada gobolka SH/Hoose magaalada Marka iyo degmooyinka sida Janaalle iyo Daafeed oo ay ku suganyihiin Shacab baahi weyn u qaba Nabad ku wada noolaashaha Soomaaliya”.
Nabadoon Culisow ayaa ka codsaday dowlada in ay gacan ka sii so howshan baaxada weyn ee baahinta Nabadeyta gobolada Dalka Soomaaliya.
wada hadalkii dhex maray xubnaha Golaha Gurtida degmada Afgooye iyo masuuliyiinta Golaha Salaadiinta Soomaaliyeed oo aad u xiiso badnaa ayna ka hadleen shaqsiyaad dhowr ah oo diirada saarayay qeynaha Nabada ay u leedahaya Shacabka ku dhaqan degmada Afgooye iyo Tuulooyinka ku teedsan.
ugu dambeytii waxaa ka hadlay madasha shir Guddoomiyaha Golaha Salaadiinta Soomaaliyeed Boqor Eng. Faarax Cabdi Guure waxuuna yiri ” Dowlada Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa in ay lana gaar siiyaan baahintan Nabada dhamaan gobolada dalka ( Raas-Kambooni ilaa Raas-Casery) sido kale Shacabka Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa in ay qaataan Nabada loogu baaqayo meelkasta oo ay jogaan waan ugu tageynaa anagoo ku boorineyna qeymaha Nabada u leedahay Ummada Soomaaliyeed”
Golaha Salaadiinta Soomaaliyeed oo FEBRUARY 7, 2013 looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ayuu hadafkoodo yahay nabad ku soo dabaalida gobolada dalka Soomaaliya oo mudo 22 sano ku jiray colaad gaamurtay.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.