Dood Celmiyeedkii ka socday xarunta Wasaradda Hawlaa guud Dekadaha, Gaadiidka Badda iyo Tamarta ayaa galay maanta maalintii 3aad, iyadoo ay ka qeybgalayaashuna si saraaxad leh uga doodaayaan Dhibaatooyinka ragaadiyay Gudashadda Xilka baaxadda leh ee Qaranku uga wakiilka tahay,Tilmaamidda Jihooyinka Mas’uulka ka ah Dhibaatooyinkaasi iyo sida loogaga gudbi karro Caqaabadaha jira loona Hagaajin karro Gudahshadda Waajibaadka Wasaaradda.
Doodaan oo ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiinta wasaradda oo uu ka mid ahaayeen Wasiir ku xegeenka wasaradda Cali Shiikh Maxamed Nuur Xaji Cali, Agaasimaha guud ee wasaaradda Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur, Maareyayaasha kala duwan ee wakaladaha Hoos yimaadda wasaradda iyo khubaro ku xeeldheer arrimaha Hawlaga guud, Badaha, gaadiidka badda iyo tamarta iyo xubno kale.
Dood Celmiyeedkaan ayaa waxaa maanta loogaga hadlay diiradana lagu saaray sida loo hormarinkarro qorshaha wasaaradda iyo qodobadda aas aaska u ah, taas oo loo xilsaaray 8 Xubnood oo iskugu jira Khubaro iyo Injineero si ay uga soo talla bixiyaan una soo gudbiyaan Talooyinkoodda iyo sida loo wajihikaro kuwaasi oo soo uruuriyay macluumaad badan oo aas aas u noqon kara horumarinta qorshaha wasaaradda, waxayna Soo gudbiyeen Qoraal Tilmaamaya arimahaasi, kaas oo u qornaa sidaan:
Wasaaradda Hawlaha Guud waa Hay’adda Sharciga ah ee u xil saran dib u dhiska iyo dib u dejinta Dalka.
Wasaarada Hawlaha guud oo hadda loo Yaqaan Wasaradda hawlaga guud Dekedaha, Gaadiidka badda iyo Tamarta waxaa la aasaasy, iyadoo ku lamaansaneed Dowladda Hoose, xilligii oo dalka ka talinaayay Gumeeystahii Talyaaniga, ilaa laga gaaro sanadkii 1956 waxay ku shaqeeyneeysay magaca Dowladda Hoose. Markii dalka xornimadda helay 1960 waxaa loo bixiyay Wasaarada Howlaha Guud (Ministero dei lavori publici) iyadoo howlaheeda waday ilaa sanadkii 1970kii oo dib u habeeyn lagu sameeyay awoodo dheraad ahna la siiyay kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:
Dhisidda dhamaan dhismiyaasha guud ee hay’adaha dowlada;
Dhisida adeega guud sida Wadooyinka, Dekadaha, Buundooyinka, iyo biyo xireenada kala duwan ee dalka loo dhisaayo.
Diyaarinta Naqshadaha iyo la socodka iyo kormeerida naqshadaha dibadda laga soo diyaariyay ee dhismaha iyo kaabayaasha dalka;
Bixinta iyo ogolaanshada shatiyadda shirkadaha dhismaha;
Bixinta dhulalka Dimanyaalaha ah.
Kormeerka iyo fasax siinta hay’adaha shisheeye ee raba in ay dalka wax ka dhisaan, sida: Warshadaha, Jidadka, Dekadaha, Buundooyinka, iyo wixii dhismo ah ee dalka lahaanayo;
.
Dhisidda dhamaan dhismiyaasha guud ee hay’adaha dowlada;
Dhisida adeega guud sida Wadooyinka, Dekadaha, Buundooyinka, iyo biyo xireenada kala duwan ee dalka loo dhisaayo.
Diyaarinta Naqshadaha iyo la socodka iyo kormeerida naqshadaha dibadda laga soo diyaariyay ee dhismaha iyo kaabayaasha dalka
Bixinta iyo ogolaanshada shatiyadda shirkadaha dhismaha;
Bixinta dhulalka Dimanyaalaha ah
Kormeerka iyo fasax siinta hay’adaha shisheeye ee raba in ay dalka wax ka dhisaan, sida: Warshadaha, Jidadka, Dekadaha, Buundooyinka, iyo wixii dhismo ah ee dalka lahaanayo
Sababaha ay Wasaarada Howlaha Guud la shaqeeyn weysay waxaa ka mid ah, ayadoo wadanka ka socday dagaalo is dabajoog ah; isla makaasna aan jirin dowlada rasmi ah oo awood leh
Xiligii Dowladaha ku meel gaarka ee la soo dhaafay Wasaarada Howlaha Guud Maamulkeeda iyo Mas’uuliyadedaba waxaa ku dhacay habac iyo kala daadasha dhinac kasta leh, sida:
Aqoonyahanada oo aad ugu yar,Injineerada, iyo nidaamka ay ku shaqeeyso oo lagu kalsoonaan Karin.
Wasaarada howlaheeda oo laga wado Xafiisyo kala duwan;
Hay’adaha kale ee Dowliga ah oo sideey rabaan u fushada howlahooda.
Xiligaasna waxaa Wasaarada soo maray Wasiiro kala duwan oo watay nidaam iyaga u gaar. Waxaa ugu wanaagsaneed Wasaarada xiligii uu Wasiirka ka ahaa Cabdalla Boos, Ra’iisul Wasaarana ka ahaa Cali Geedi, Wasiirka Cabdalla Boos waxa uu gacanta ku soo dhigay dhamaan howlaha ay u xil saarneed Wasaarada in ay u qabato Qaranka Soomaaliyeed, isagoo dhamaan hay’adaha dowliga ah, UN ka, iyo hay’adaha caalimaga ah ku qasbay in howlaha ay fulinaayaan ay Wasaarada wax ka ogaato, la’aanteedana la fulin karin, taaso mandeedkii Wasaarada Howlaha Guud ka mid ah si habsami u fushay. Ka dib Markii xilka laga bedelay ay meesheedii ku noqotay oo cid waliba ku xad gudubtay.
Nasiib daro, isbedeladda is daba jooga ah ee Wasaarada Howlaha Guud soo martay ayaa sababtay in aan lagu guuleeysan habsami u socodka Wasaarada Howlaha Guud,
TALO BIXINTA ENGINEERADA:
Si loo dardargeliyo habsami u socodka hawlaha Wasaaradda ayaa waxaa kulan yeeshay Taarikhda markary aheyd 26/02/2013. Engineero loo xilsaaray ka tala bixinta hawsha sare ku xusan, ayagoo kulamo kala gedisan la yeesheen dad badan oo xog ogaalnimo iyo khibradba u leh hawsha Wasaaradda dhanka farsamada iyo maamulka kana kala socda gudaha iyo dibadda Wasaaradda.
Guddiga oo ka koobnaa 8 xubnood Waxay ku taliyeen Qodobadaan:
Wasaarada ma heysato Enjineero ku filan tiro ahaan iyo tayo ahaanba, waana in loo raadiyo loona helo.
Ma jiro maamul toosan oo u adeega Macaamiisha, iyo Horumarinta Howlaha Wasaarada guud ahaan, waa in wax laga qabtaa;
In Wasaaradda loo madaxbaneeyo hawsha ay Qaranka u hayso ee loo idmaday isla markaana la horgeeyo Golaha Wasiiradda lagana hor akhriyo Maandheydka Wasaaradda si loo ansaxiyo maadaama ay caqabado ku yihiin qaar ka mid ah hay’adda dowladda iyo maamulka sare;
In Dhammaan Hay’adda UN-ka, NGO-yada Caalamiga ah iyo Wakiilada Dalalka noo soo gurmaday ee hawlaha dhismo kawada Dalka loo qoro waraaqo kulanana lala yeesho si loogu sheego in ay Wasaaraddani u xilsaaran tahay dib u dhiska dalka ayna kala soo xiriiraan wixii dhismo ah ee dalka khuseeyo, maadaama la arkay in hay’adahaasi sare ku xusan badankooda ay hawlahooda u wataan si madax banaani ah;
In Wasaaradaha, Hay’adaha dowliga iyo Gobalka Banaadir loo sheego in ay howlaha ay wadaan ay tahay howshii loo idmaday ineey qabato Wasaarada Howlaha Guud. Loona baahan yahay in ay ku soo wareejiyaan Wasaarada Howlaha Guud
In la dhiso Dalad ay ku dhan yahiin injineerada dalka oo dhan, oo leh laamo iyo taqasusyo kala duwan, kana Diiwangashan Wasaarada Howlaha Guud
In la dhiso gudi injineero ah oo la Taliya Wasaarada Howlaha Guud, kana taliya horumarinta iyo dib u dhiska dalka;
Wasaarada Howlaha Guud waa in ay lahaato kormeerka guud iyo dib u eegida naqshadaha dalka laga fulinaayo ee ay fulinaayaan Shirkadaha dibadda ka imaanaayo
In la sameeyo Guddi Farsamo oo ka kooban Engineero, Maamulo iyo Sharciyaqaano daba gal ku sameeyo oo xaqiijiya fulinta qodobada kor ku xusan isla markaana xaqiiq celin u soo sameeya Madaxda sare ee Wasaaradda;
In la sameeyo website u gaar ah Wasaarada si loogu shubo waxqabadaka iyo dhaqdhaqaayada ay wado Wasaarada, howlaha ay Wasaarada u heyso Qaranak iyo wixii warar iyo horumar ay gaartay ama ay ku talaabsaneyso Wasaarada. Websidkan waxa uu sare u qaadayaa howlaha wasaarada, xiriirka caalamiga iyo la socodka adeega baaxada leh ee ay Wasaarada u heyso umadda Soomaaliyeed.
Gabagabada Talada
Hadaba hadii si hufan loo dhaqangeliyo qodobada sare ku xusan waxaa hubaal ah in ay dib u soo nolaaneyso Haybadii ay ku lahayd Wasaaradda Dib u dhiska Dalka iyo horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed
LIISKA MAGACYADA GUDDIGA LA TALINTA WASAARADA HOWLAHA GUUD
1 Eng. Axmadeey Shiikh Xasan
2 Eng. Cabdulaahi Cabdi Nuur
3 Eng. Maxamed Xasan Maxamed
4 Eng. Maxamed Ibraahim Cali
5 Eng. Axmed Xasan Cabdiraxmaan
6 Eng. Axmed Cali Cilmi
7 Eng. Cabdi Xasan Caddawe
8 Eng. Daahir Shariif Isxaaq
Dood celmieedkaan oo si rasmi ah u furmay taariikhdu mnarkii ay aheeyd 9-kii bishaan ayaa lagu wadaa in maalinta berito ah oo ku began 12-ka Bishaan si rasmi ah loo soo gabagabeeyo lagana soo saaro Qoraal cad oo tilmaamaya qaabka loo wajihi karro loona meel marin karro ajandayaasha dood celmiyeedkaasi lagu jeexjeexay, taas oo ay wasaaradu horgeyndoonto Golaha wasiiradda si ay u meelmariyaan uguna gudbiyaan Golaha baarlamaanka si ay u ansixiyaan.
Comments are closed.