Wafdigii ka socday Hay,adaha Qaramadda Midoobay oo maalintii shalay Safar dhinca Dhulka ah ku gaaray Magaladda jowhar ee Gobolkaasi shabeelaha Dhexe ayaa weli kusgan Degmadda Jowhar.
Wafdigaan oo shalay ka ambabaxay magalaadda Muqdiho,ayaa halkaasi u tagay in ay soo Indhaindheeyaan Xaladda Bini,aadnimo iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ku dhaqan Gobolkaasi Shabeelaha dhexe muddo 4 Sanno ah oo ay ka talinaayeen Maliishiyaadka Kooxdda Al Shabaab
Wafdigaan ayaa Gobolka shabeelaha dhexe markii ay gaareen si diiran ugu soo dhaweeyay Masuuliyiinta Gobolkaasi, kan degmadda, Saraakiisha Ciidamadda iyo ururadda Bulshadda ee ka jira Gobolkasi.
Ka gadaal marki ay gaareen wafdiga degmadda jowhar waxaay sila shalay Soo kormeereen Garoonka diyaradaha ee degmadda Jowhar, oo ay hadda ka socoto dayactir lagu sameynaayo, Goobaha Caafimaadka iyo Xeryaha ay ku jiraan Dadka Baraakacayaasha ah ee degmadda Jowhar sidoo kalena ay soo eegeen xaruntii hay’adda UNICEF ee Degmada Jowhar iyo si ay ugu guurgalaan suurtagalnimadda in la gaarsiiyo adeegyadda kala duwan ee UNka ugu talagalay Gobolkaasi
Xiriir Toos ah oo aanu la sameynay Maamulka Gobolka ee ku aadan arimaha wafdigaasi ayeey inoo sheegeen in ay Tahay Xaaladaha dhanka Bini’aadinimada.iyo sida leykaga kaashan karo in si wadajir ah loogaga wada shaqeeyo arimaha Nabadagalayadda iyo Gargaarka Binio,aadnimo oo loo baaahan yahay Xilgaan, sidaasi waxaa yiri Yuusuf balad dhise oo ka mid ah Masuuliyiinta Gobolka shabeelaha dhexe.
Wafdigaanka Socday Hay,adaha UN-ka ee shalay gaaray G/Shabeelaha dhexe Degmada Jowar ayaa waxaa lagu wadaa in ay maanta gelinka Dambe dib ugu soo laabtaan Magaaladda Muqdisho, oo ay markii Hore ka ambabaxeen.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.