Ra’isal Wasaare Saacid iyo Wafdigiisa oo Muqdisho dib ugu soo Laabtay

xeydar March 12, 2013 Comments Off
Ra’isal Wasaare Saacid iyo Wafdigiisa oo Muqdisho dib ugu soo Laabtay

Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi uu Hoggaaminayo oo Maalmihii dambe safar ku joogay Gobollada Nugaal iyo Mudug ayaa Gelinkii dambe ee Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Ra’isal Wasaaraha oo warbaahinta kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Air-Port ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in si farxad leh uu ugu soo gaba gaboobay safarkii ay ku tageen isaga iyo wafdigiisa Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.

Ra’isal Wasaaraha ayaa ku amaanay Maamullada Puntland iyo Galmudug sida wacan ee ay ugu soo dhaweeyeen Deegaanadooda iyo Ammaanka ka jira.

Ugu dambeyn Safarka Ra’isal Wasaaraha uu ku tagay Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa qayb ka noqonaya Safarro kala duwan oo Ra’isal Wasaaraha uu ku booqanayay Gobollada dalka

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.