Cayaar katirsan tartanka koobka Suleymaan Colaad Rooble ayaa maalintii Jimcaha 08/03/2013 ka dhacday garoonka Sharafiyah taasi oo dhexmartay kooxaha SYL VS. FC-SHANDI, MARKA STARS VS. MIDNIMO, LLPP VS. GOLD STARS, GODEY VS. DHIMBIL.
Kooxda SYL iyo Kooxda FC-SHANDI ayaa maanta wacdaro ka dhigay garoonka Sharafiyah, iyadoo kooxda SYL ay 1 – 0 kaga adkaatay kooxda FC-SHANDI, cayaar ay labada kooxood isugu itaal sheegteen.
Cayaartii Labaad ayaa iyana dhexmartay kooxaha LLPP VS. GOLD STARS oo ahayd ciyaar ay kooxda LLPP ay aad iyo aad ugu soo tabaabusheysteen, waxayna guuldaradii ugu horeysay dhadhansiiyeen ciyaartoyda naadiga GOLD STARS oo ay uga badiyeen 4 – 2.
Cayaartii sadexaad ayaa iyana dhexmartay naadiyada GODEY VS. DHIMBIL, iyadoo ay labada kooxood kusoo galeen feejignaan iyo difaacyo adag oo ay koox walba ka cabsaneysay in gool looga hormaro.
Cayaartoyda Naadiga GODEY ayaa ku soo galay ciyaarta maanta weji cusub oo ay ku bedeleen hanaankii lagu yiqiinay ciyaartoydooda, waxayna Gelinkii hore ee ciyaarta laba gool oo darandoori ah ka dhaliyeen kooxda DHIMBIL oo u muuqatay inay daalanaayeen.
Gelinkii dambe ee ciyaartana waxay sii wadeen weerarada halista ahaa ee ay ku hayeen goolhayaha kooxda DHIMBIL oo ka maqnaa jawiga Ciyaarta, waxayna si isxigxiga u heleen 4 gool oo kale, waxayna ciyaartii kusoo gabagabowday 6 Gool iyo Eber, sidaasina ay dhibcihii maanta ku boobsadeen kooxda GODEY.
Sidoo kale waxaa iyana is arkay kooxaha MARKA STARS Vs. MIDNIMO, waxaana guushii ciyaartaasi ay u gacan gashay kooxda MARKA STARS oo 3 Gool iyo Waxba ku xusul daartay kooxda MIDNIMO.
Muuse Cabdalla Maxamed “GOOBE”
Maamulka Xiriirka k.cagta Jaaliyadda Soomaaliyeed eeJeddah – CANEYKISH-
Comments are closed.