Abwaan Maxamuud Goox Qarboosh oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee xarunta Kenya

jiinka August 27, 2012 Comments Off
Abwaan Maxamuud Goox Qarboosh oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee xarunta Kenya

 

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya xalay ku geeriyooday Abwaan Maxamuud Goox Qarboosh oo ka mid ah Abwaaniinta ugu caansan dalkeenna Soomaaliya.
Abwaanka ayaa wuxuu ku geeriyooday sida dad jooga Nairobi ay inoo sheegeen isbitaal ku yaala xaafadda Islii ee magaalada Nairobi halkaasi oo uu ku xanuusanayey labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Allaha unaxariistee Abwaan Qarboosh ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxa uu ku xanuusanaayey Isbitaal ku yaalla xaafadda Islii ee magaalada Nairobi halkaasi oo uu xalay ku geeriyooday.

Abwaanka ayaa wuxuu u geeriyooday xanuuun dhanka wadnaha ah, waxaana marqura laga war helay isaga oo geeriyooday oo wadnaha uu istaagay.

Alle ha u naxariistee Abwaan Qarboosh waxa uu ifka kaga tegay hal xaas iyo shan carruur ah, Abwaanku waxa uu kamid ahaa Abwaaniinta aan dibadda uga bixin dalka wallow uu sanadahii dambe ku noolaa magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.