Dood cilmiyeed xog ururin ah oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Howlaha guud & Dib u dhiska, Dekedaha, Gaadiidka Badda iyo Tamarta ayna ka qeyb galeen Wasiirka Howlaha guud Muxudiin Maxamed Kaalmooy, Wasiirka Kheyraadka C/risaaq Cumar Maxamed, Xildhibaano, Agaasimeyaasha guud iyo Agaasimeyaasha waaxyaha iyo shaqaalaha Wasaaradaasi ayaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta Wasaaradda.
Dood cilmiyeedkaan ayaa waxaa looga hadlayaa qodobada ay ka midka yihiin dhibaatooyinka ragaadiyay gudashada xilka baaxadda weyn leh ee Qaranku wakiilka uga tahay Wasaaradda Howlaha guud, tilmaamidda jihooyinka mas’uulka ah dhibaatooyinkaasi, sida looga gudbi karo caqabadaha jira loona hagaajin karo gudashada waajibaadka Wasaaradaasi iyo qodobo kale.
Qabanqaabada dood cilmiyeedkaan oo soo socotay muddo toddobaad ah ayaa waxaa isku soo duba riday soona diyaariyay qodobada asaaska u ah dooda Injineerro, khubaro ku xeel dheer aqoonta badaha, gaadiidka, dekedaha iyo tamarta kuwaasoo ka kooban 36-xubnood oo laga soo xulay qeybaha kala duwan iyo qeybo ka mid ah agaasimeyaasha waaxyaha ee Wasaaradaasi, kuwaasoo falanqeyn iyo dood dheer kaddib soo diyaariyay qodobada asaaska u ah dood cilmiyeedkaas.
Dood cilmiyeedkaan oo socon doona 9-ka ilaa 12-ka bishaan Maarso ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay K/Simaha agaasimaha guud Siidow Sheekh Cali Nuur isagoo sheegay in ujeedada laga leeyahay doodani ay tahay sidii Wasaaradu cagta u saari lahayd dhabaha toosan ugana guul gaari lahayd howlaha loo igmaday, wuxuuna xusay inay tahay dood cilmiyeedkii ugu horeeyay oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda si loo gaaro yoolka ay hiigsaneyso Wasaaraddu.
Wasiirka Howlaha guud Dekedaha Gaadiidka Badda iyo Tamarta Muxudiin Maxamed Kaalmooy iyo Wasiirka Kheyraadka C/risaaq Cumar Maxamed oo munaasabadaasi khudbado ka jeediyay ayaa sheegay inay aad iyo aad ugu faraxsan yihiin in aqoonyahanada Soomaaliyeed iyo khubarada ku xeel dheer cilmiga kala duwan ee Dekedaha Gaadiidka Badda iyo Tamarta inay maanta soo diyaariyaan qorshe lagu horumarinaayo howlaha kala duwan ee Wasaaradda.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in dalkaan Soomaaliya uu burbursanaa 22-kii sano ee ugu dambeeyay shacabka Soomaaliyeedna uu gacmihiisa ku burburiyay, sidaas awgeed ay haatan waajib tahay in gacmihiisa uu ku dhisto iyadoo aan lagu tashaneynin kaalmo dibadeed.
Wasiiradu waxay sheegeen in qof kasta oo muwaadin ah uu xil ka saaran yahay sidii uu uga qeyb qaadan lahaa dib u dhiska dalkiisa iyagoo ka duulaya oraahdii ahayd “Dal dadkiisaa dhista” ayna jirto duruufooyin badan oo maanta ayna suurtagal ahayn in si fudud looga gudbo mar haddii hanti fara badan oo shacbiga Soomaaliyeed leeyahay oo ay ka mid yihiin maraakiib, diyaarado iyo hanti ma guurto ahba ay gacan shisheeye ku jiraan, sidaa awgeed mas’uuliyiinta Wasaaraduna ay arrintaasi kala hadashay dalal badan oo ka tirsan caalamka sidii dib loogu soo celin lahaa hantidaasi gacanta shacabka Soomaaliyeed.
Dood cilmiyeedkaan oo socon doona muddo afar maalmood ah ayaa waxaa la rajeynayaan inay ka soo baxaan qodobo muhiim ah oo wax ka tari doona qeybaha kala duwan ee Wasaaradda Howlaha guud sida qeybta howlaha guud dekedaha, gaadiidka badda iyo tan tamartaba, waxayna Wasiiradu kula dardaarmeen ka qeyb galayaasha inay guntiga dhiisha isaga dhigaan natiijo waxtar leh oo ay Wasaaraddu ku howl geli kartana ka soo saaraan.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.